LA YAAB: 20 Xiddig Oo Ka Maqan, Bedel La’aan & Xiddig Khadka Dhexe Oo

Inkastoo 20 ciyaaryahan ay Korona Fayras kaga maqnaayeen islamarkaana ay heysteen kaliya 11 ciyaaryahan oo garoonka soo gasha, kooxda River Plate ayaa lagu qasbay inay la ciyaarto kulan weyn oo Champions League-ga Koonfur Ameeriaka ah kooxda Sante Fe xalay oo Khamiis aheyd.

Ma aysan heysan goolhaye gabi ahaanba, taasoo keentay in xiddiga khadka dhexe Enzo Perez uu noqday goolhayahooda 90kii daqiiqo ee ugu ciyaarta, waxayna kooxda reer Argentina ee River Plate ay ku badisay 2-1.

Goolal degdeg ahaa oo ay dhalisay kooxda River Plate 10kii daqiiqo ee ugu horeysay ciyaara ayaa keentay inay hogaan 2-0 ku qabtaan ciyaarta iyadoo kooxda Sante Fe ay aamini weysay waxa ku dhacay ciyaartii ka dhacday garoonka Monumental.

Inkastoo River Plate aysan helin gool seddexaad hadana waxay ahaayeen kuwa halis ah mar kasta oo ay weerar qaadaan, waxayna isku dayayeen inay kubada ka fogeeyaan xiddigooda khadka dhexe Perez oo goolhaye u ahaa.

Perez ayaa dhaawac ahaa laakiin wuxuu doortay inuu goolhaye noqday iyadoo kubadaha bilowga ah ay u tuurayeen daafacyada, wuxuu sameeyay afar badbaadin intii ay ciyaarta socotay, waxayna intooda badan ahaayeen badbaadin iska caadi ah oo ay saameeyaan goolhayayaasha balse aan laga fileynin inuu sameeyo xiddig khadka dhexe.

Daqiiqadii 73aad kooxda Santa Fe ayaa ugu danbeyn ku guuleysatay inay shabaqa ka soo taabato Perez taasoo ciyaarta ka dhigtay 2-1 islamarkaana Sante Fe ka badbaadisay guuldarro ceeb ah.

Madaama River Plate ay heysatay kaliya 11 ciyaaryahan oo aan bedel laheyn, waxaa dhamaadkii ciyaarta ay keentay in si xoogan cadaadis lavatory saaro laakiin waa ay iska caabiyeen iyagoo haatan seddex dhibcood ku hogaaminaya Group D koobka Copa Libertadores ama Champions League-ga Koonfur Ameerika.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More