“Ma Ihi Qof Jecel Inuu Taaho Laakiin……” – Toni Kroos Oo Sheegay

Khadka dhexe ee kooxda Actual Madrid ee Toni Kroos ayaa wali ka cadhaysan go’aankii ka dhacay kulankii ay bar-bardhaca 2-2 ah lasoo galeen Sevilla markaas oo rigoore lagu galay Karim Benzema bathroom bedelay rigoore bathroom dhigay Sevilla.

Xiddiga German-ka ah iyo tababare Zinadine Zidane ayaa labaduba u tagay garsoore Juan Martinez Munuera dhammaadkii kulanka si ay cabashadooda ugu muujiyaan.

Haatan Toni ayaa soo bandhigay dareenkiisa isla markaana sheegay in haddiiba kooxdiisu ay horyaalka weydo shaqsiga seejiyay uu yahay garsoorahaas.

“Anigu ma ihi qof jecel inuu taaho laakiin xaaladaas aad ayaan uga cadhaysnaa” ayuu yidhi xiddigii hore ee Bayern Munich oo ka hadlayay barnaamijka Einfach Mal Luppen.

“Zidane dhab ahaan marnaba waxba kama yidhaahdo go’aanada wuuna ilaaliyaa garsoorayaasha, sidaas darteed xaqiiqada ah inuu u tagay garsooraha kulanka kaddib waxay ahayd calaamad muujinaysa in isaguna sidoo kale uu dareemay in la dooxay”

“Garsooruhu wuxuu isku dayay inuu naftiisa farxad geliyo laakiin waa go’aan aad u cad oo qaldan aniga aragtidayda”

“Aragtidaydu waa mid aad u cad waana wax aad u yar inaan anigu garsooraha go’aan kaga soo horjeedsaco gabi ahaanba, maalintaas ayaan sameeyay”

“(Militao) kubaddu approach ka dambaysay oo xataa kubadda ma uusan arag halka muuqaalku marka uu aayar socdo aad arkayso in kubaddu ay marka hore garabkiisa ku dhacayso kaddib gacantiisa, waxa naloo sheegay in haddii kubaddu ay marka hore ku dhacdo qayb kale oo jidhkaaga ah kaddib aysan ahayn in gacan la dhigo”

“Haddii ugu dambayn (Aanaan awoodin inaanu horyaalka ku guuleysano) aragtidayda taasi waxa ay ahayd aragti sidoo kale ka qayb qaadatay (Inaanu horyaalka weyno), sida iska cad taasi waxa ay ahayd xaalad saamayn leh”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More