Marina Granovskaia Oo Go’aan Ka Gaartey AFAR Xiddig Oo Chelsea Ka

Marina Granovskaia waxay mar horeba gaadhay go’aan ku aaddan ciyaaryahannada xagaagan ay Chelsea oodda ka qaadayso, kuwaas oo ay tiradoodu tahay ugu yaraan afar.

Sida uu sheegay khabiirka suuqa iibka ee Fabrizio Romano, Chelsea waxay diyaar u tahay in ay kooxdeeda ka dirto saddex ciyaartoy isla marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga.

Blues ayaa la filayaa in ay xagaagii labaad ay lacag badan kharash garayso, isla markaana ay awoodda saarto afka hore ee kooxdeeda iyadoo sannadkii horena suuqa gelisay £250 milyan oo Gini, balse waxay doorkan ku daraysaa in ay bixi doonaan ciyaartoyda kooxda  jooga iyo kuwa amaahda kaga  maqan qaarkood.

Ciyaaryahanadda ugu horreeya ee Chelsea ka tegaya ayaa ah Victor Moses oo amaah ugu maqan kooxda Ruushka ah ee Spartak Moscow, kaas oo ay tahay markii lixaad ee ay Chelsea amaah ku bixiso.

Romano ayaa tibaaxay in uu Moses si rasmi ah ugu biiri doono Spartak Moscow oo uu jiro heshiis mar horeba ay labada kooxood wada gaadheen.

Waxa kale oo Chelsea ay go’aamisay in ay si rasmi ah iskaga iibiso Tiemoue Bakayoko oo ay £40 milyan oo Gini sannadkii 2017 kaga soo iibsatay Monaco, laakiin 29 kulan oo uu u saftay Blues ay go’aansadeen in ay amaah ku bixiyaan iyadoo uu waqtiganna joogo Napoli.

Emerson Palmieri ayaa isaguna xagaagan baxaya, qorshahana kuma jirto in amaah lagu diro sababtoo ah heshiiskiisa ayaa dhacaya sannad kaddib.

Laacibkan ayaa Chelsea u saftay 15 ciyaarood oo kaliya oo dhamaan tartamada ah xilli ciyaareedkan, waxaana muuqata in aanu heli doonin wax fursad ah, sida haddaba laga arkayo qorshaha tababare Thomas Tuchel.

Saddexdan ciyaartoy kaddib, waxa kale oo ay Chelsea diyaar u tahay in Fikayo Tomori oo amaah ugu maqan AC Milan ay u ogolaato dookhii ahaa in kooxda reer  Talyaani ah £24 milyan oo Gini ku iibsato.

Waxa kale oo la sheegayaa in Chelsea uu ka tegayo weeraryahanka reer France ee Olivier Giroud oo si bilaash ah kaga baxaya Blues iyadoo uu heshiiskiisu dhamaanayo xagaagan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More