Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Roma open talks with Arsenal over Granit Xhaka transfer

Roma have begun negotiations with Arsenal for an agreement to make midfielder Granit Xhaka the first signing of the Jose Mourinho era.Mourinho, who received his marching orders from Tottenham in April, wasted some time finding a new job and signed a deal with Roma in May that will have him replace Paulo Fonseca ahead of the new season.He has not started work yet, but according to Gianluca Di Marzio, Mourinho wants a head start in the transfer market and has specifically requested that Xhaka be signed, which he has grown to…

KOOXDA SANADKA: Paul Merson Oo Shax Aanad Sinaba Ku Rumaysan Karin

Xiddigii hore ee kooxda Arsenal haatana doorka khabiirnimo kaga shaqeeya kanaalka Sky Sports ee Paul Merson ayaa soo xushay shaxda uu u arko midii ugu fiicnayd xilli ciyaareedka dhammaaday ee 2020-21 horyaalka Premier League.Merson oo ay taageerayaasha qaar ku eedeeyeen inuu isku dayayo inuu ka shax duwanaado khubarada kale ayaa ka tagay ciyaaryahano badan oo loo arko kuwo hubaal kusoo bixi doona shaxda ugu fiican ee horyaalku sida rasmiga ah usoo xulan doono.Aan ku bilawnee goolhayaha shaxda Merson ayaa ah Schmeicel oo…

Xogtii Ugu Dambaysay Ee Xaalada Dhaawacyada N’Golo Kante & Edouard

Kooxda Chelsea iyo jamaahiirteeda aya war cusub oo ay ku farxeen ka helay xaalada taam ahaansho ee mashiinkooda khadka dhexe ee N’Golo Kante iyo goolhaye Edouard Mendy kuwaas oo labaduba dhaawacyo qabay maalmahan ugu dambeeyay.Kante ayaa ku dhibtooyin ku qabay dhaawac ka gaadhay muruqa kulankii ay guusha kasoo gaadheen Leicester City halka uu Mendy feedhaha wax ka noqday ciyaartii ay guuldarrada kala kulmeen Aston Villa.Mendy ayaa ahaa goolhayaha dookha koowaad ee Chelsea tan iyo markii uu kooxda kusoo biiray suuqii xagaaga…

Waa Kuma Xiddiga Villarreal Ka Tirsan Ee Guushii Man United Ay Ka

Daafaca bidix ee kooxda Villarreal ahna ciyaaryahankii hore ee Liverpool ee Alberto Moreno ayaa ku maadsaday kooxda Manchester United kaddib markii ay kaga guuleysteen UEFA Europa Leagua ciyaartii xalay ka dhacday magaalada Gdansk.Moreno ayaa ahaa mid bedel ku yimid ciyaarta isaga oo kasoo baxay waajibaadkiisii rigoorada maadaama oo uu dhaliyay rigoorihii uu qaatay.Kaddib markii ay goolal dhaliyeen Gerard Moreno iyo Edinson Cavani, labada kooxood ayaa 22 rigoore isku laagay iyadoo ugu dambayn United lagaga adkaaday…

Miyuu Tababare Solskjaer Isku Dayay Inuu BEDEL Ku Sameeyo De Gea Xalay

Tababaraha kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa shaaca ka qaaday inuu isku dayo inuu bedel ku sameeyo goolhayaha ree Spain ee David De Gea kahor rigoorayaashii ay xalay Villarreal kaga qaaday UEFA Europa League.De Gea oo ahaa midka khasaariyay rekoodhihii guuldarrada ku keenay Man United gool-ku-laadyo cajiib ahaa oo kusoo dhammaaday 11-10 ayaa tekoodh xun ku leh badbaadinta rigoorooyinka.Arrinta layaabka leh ayaa ah in markii ugu dambaysay ee uu David rigoore badbaadiyo ay ahayd shan sano kahor afar…

Akhriso: Lacagta Ay Abaal-marinta U Heli Doonaan Ciyaaryahanadda Chelsea

Chelsea ayaa lacag malaayiin Gini ah ka heli doonta finalka Champions League ee ay Manchester City wada ciyaari doonaan fiidka  hore ee Sabtida, laakiin waa in ay ku guuleysato koobka.Mulkiilaha Chelsea ee  Roman Abramovich ayaa ciyaartoyda kooxda u ballan-qaaday in uu £10 milyan oo Gini oo abaal-marin ah uu siin doono haddii ay ku guuleystaan Champions League, laakiin lacagtaas ayaa noqon doonta waxyar oo ka mid ah inta ay laacibiintani ka samayn karaan kulanka finalka.Chelsea ayaa heli doonta £95 milyan oo Gini haddii ay…

Liverpool Oo Liiskeeda Ku Darsatay Tielemans, Laba Xiddig Oo Ka Tegaya

Suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga ayaa furmi doona horraanta bisha June ee foodda innagu soo hayso, waxaana haddaba lasii helayaa xogta xiddigaha ay kooxaha waaweyn isku dayi doonaan in ay lasoo saxeexdaan.Wargeysyada waaweyn ee Yurub ayaa si joogto ah usoo bandhiga wada-hadallada, qorsheyaasha iyo xanta suuqa, waxaana maanta oo Khamiis ah qodobbadii ugu waaweynaa ee ay qoreen ka mid ahaa:Zinedine Zidane ayaa iska casilaya Real Madrid, waxaanu Arbacadii go’aankiisa u sheegay ciyaartoyda kooxda. (AS)Wakiilka Gareth Bale ayaa…

Lionel Messi Oo Ku Laabtay Waddanka Argentina Xilli Uu Dhamaaday

Lionel Messi ayaa ku laabtay waddanka Argentina oo uu u qaatay diyaarad gaar ah, xilli aanu wali saldhigin mustaqbalkiisa oo heshiiskiisa Barcelona uu ku egyahay bisha June ee foodda inagu soo hayso.Xiddiga  reer Argentina oo ay wehelinayaan carruurtiisa, xaaskiisa iyo xubnaha qoyskiisa ayaa subaxnimadii shalay gaadhay waddankiisa,, waxaana sidoo kale la socday Rodrigo De Paul.Laacibkan ayaa ku biiri doona xulka qaranka Argentina ee isku diyaarinaya tartanak Copa America ee bilaabmaya badhtamaha bisha June iyo kulamada…

Maxay Ahayd Sababtii Ay Manchester United Beddelka U Samayn Weyday

Ole Gunnar Solskjaer ayaa lagu dhalliilay in kooxdiisa aanu firfircoonaysiinin, isla markaana aanu wax beddel ah samaynin illaa laga gaadhayey daqiiqaddii 100aad, kulankii ay guul-darradu kasoo gaadhay ee finalka Europa League.Villarreal ayaa rikoodheyaal 11-10 ah kaga badisay Manchester United iyadoo ciyaartooda oo socotay 120 daqiiqadood ay kusoo dhamaatay barbarro 1-1, waxaana sidaas koobka ku qaaday kooxda reer Spain.Manchester United ayaa 90kii daqiiqadood ee waqtiga rasmiga ah ee ciyaarta waxay ku dhamaysatay shaxdii…

Raul Oo La Garbiyey & Midka Horreeya Allegri Iyo Conte Ee Real Madrid

Kaddib markii uu soo baxay warka sheegaya in Zinedine Zidane uu go’aan ku gaadhay in uu iska casilo shaqada tababarenimo ee Real Madrid oo xalay xaqiiqadii u dambaysay la helay, kooxda reer Spain ayaa kala dooranaysa labada tababare ee Talyaaniga ah ee Massimiliano Allegri iyo Antonio Conte.Zinedine Zidane ayaa go’aan kama dambays ah ku gaadhay in uu iska casilo Real Madrid oo xilli ciyaareedkii 2019-20 uu u qaaday horyaalka LaLiga, isagoo koobkaasna ay uga sii horreeyeen saddexdii Champions League ee xidhiidhka ahaa uu…