Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

UEFA Oo Isbeddel Ku Samaynaysa Champions League, Goolkii Dibedda Ee

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa isbeddel ku samaynaya tartamada Champions League iyo Europa League, waxaana isbeddelkan lagu bilaabi doonaa tartanka cusub ee Europa Conference League ee hadda la samaynayo.UEFA ayaa meesha ka saaraysa sharciga dhibaatada badan kooxaha ku ahaa ee mararka  qaarkood u hiilin jiray naadiyo bandhiggoodu liitay laakiin qaabka kaliya ee ay kusoo bixi jireen ahaa in ay garoonka kooxda kale goolal kusoo dhaliyeen.Sida uu qoray wargeyska The Times, UEFA waxay baabi’inaysaa ama tirtiraysaa…

Hordhac: Man City vs Chelsea, Xogta Kulamadoodii Hore, Wararkii U

Finalka Champions League ayay caawa foodda isku darayaan labada kooxood ee Ingiriiska ah ee Manchester City iyo Chelsea, kuwaas oo magaalada Porto ku kala qaadi doona koobka.Pep Guardiola iyo Thomas Tuchel ayaa markii saddexaad muddo kooban iska hor-imanaya, waana kulankoodii ugu weynaa iyo koobkii ugu horreeyey ee ay si toos ah ugu dagaallamayaan marka ay magaalada Porto caawa albaabada iskugu xidhaan garoonka Estadio do Dragao.Chelsea ayaa guuleysatay labadii jeer ee ugu dambeeyey ee ay labadan kooxood iska hor yimaaddeen,…

WARKII LA SUGAYAY: Tuchel Oo Shaaciyey Xiddigaha U Laadaya

Tababaraha Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa shaaciyey in uu warkii ugu wanaagsanaa abid helay, kaddib markii ay uu xaqiiqsaday in ay kulanka finalka Chamions League ee Sabtida ay si buuxda taam ugu yihiin labada ciyaartoy ee N’Golo Kante iyo Edouard Mendy oo shaki la gelinayay in ay ciyaari karayaan kulankan.Thomas Tuchel ayaa xaqiijiyey in kooxdiisa oo dhamaystiran ay taam wada tahay oo ay kulanka Manchester City uu haysto ciyaartoydiisa oo uu kala dooran doono, isla markaana 25kii xiddig ee ula safray Porto ay diyaar u wada…

“Waa Degdeg, Xoog Iyo Kubbadaha Sare Oo Uu Ku Wanaagsan Yahay, Waan Ka

Jurgen Klopp ayaa daboolka ka qaaday sababta uu ku doortay in uu lasoo saxeexdo difaaca reer France ee Ibrahima Konate oo shan sannadood oo heshiis ah qalinka ku duugay Jimcihii, kaddib markii ay Liverpool bixisay £36 milyan oo Gini oo RB Leipzig ay ku xidhay qandaraaskiisa.Klopp ayaa sheegay in uu muddo dheer yaqaanay ciyaartoygan, isla markaana uu ku arkay tayooyinkii uu u baahnaa, isagoo qiray in uu xoojin doono safka difaaca ee Liverpool ee ay dhaawacyada muddada dheer kaga maqnaayeen Virgil van Dijk, Joe Gomez iyo Joel…

James Rodriguez Oo Laga Saaray Xulka Qaranka Colombia Ee Tartanka Copa

Xulka qaranka Colombia ayaa laga reebay laacibka khadka dhexe ee James Rodriguez oo ka maqnaan doona tartanka qaramada Latin America ee Copa America oo badhtamaha  bisha June bilaabmi doona.Xiddign Everton ayaa toddobaadkii hore gaadhay waddankiisa Colombia, kaddib maalmo kooban oo uu waqti la qaatay qoyskiisa iyo saaxiibbadii, isagoo sidoo kalena samaynayay jimicsiyo jidh-dhis ah oo uu iskugu diyaarinayo tartanka Copa America  iyo ciyaaraha saaxiibtinimo ee ka horreeya.Laakiin shaqaalaha caafimaadka xulka qaranka Colombia…

Xiddig Muhiim Ah Oo Manchester City Kaga Dhaawacmay Tababarka Saacado

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayay jug weyni soo gaadhay ka hor kulanka finalka Champions League ee habeen dambe  ay foodda isku dari doonaan Chelsea, waxaana tababarkii maanta ku dhaawacmay ciyaartoy laf-dhabar ah oo maqnaanshihiisu waxyeello ku yahay Pepp Guardiola.Manchester City ayaa maanta samaysay tababar ay iskugu diyarinayso ciyaarta finalka ee Sabtida, waxaana usoo yeedhay arrin murugo leh oo ah in garoonka tababarka laga saaray laacibka khadka dhexe ee Ilkay Gundogan oo sii wadan kari waayey in uu…

Kuwee Ayay Noqon Doonaan Xiddigaha Chelsea U Laadi Doona Rikoodheyaal

Chelsea iyo Manchester City ayaa finalka Champions League wada ciyaari doona Sabtida, waxaanay labada kooxoodba kasii fikirayaan suurtogalnimada ah, in ay dhici karto sidii finalka Europa League ee Arbacadii ay wada ciyaareen Manchester United iyo Villarreal oo rikoodheyaal lagu kala baxay.Kama dhicin tartanka Champions League in lagu kala qaado rikoodheyaal intii ka dambaysay sannadkii 2016 oo ay Real Madrid rikoodheyaal 5-3 ah koobka kaga qaadday Atletico Madrid oo ay finalkii ku wada ciyaareen garoonka San Siro ee…

Halkee Ayuu Saxeexa Cusub Ee Ibrahima Konate Kaga Jiraa Liiska

Liverpool ayaa si rasmi ah u dhamaystirtay saxeexa difaaca reer France ee Ibrahima Konate oo ay kala soo wareegtay kooxda kubadda cagta RB Leipzig ee waddanka Germany.Reds ayaa bixisay £36 milyan oo Gini oo lagu burburin karayay qandaraaska uu Konate kula jiray RB Leipzig, waxaana uu noqday ciyaartoygii 26aad ee Liverpool lasoo saxeexato intii uu Jurgen Klopp tababaraha ka ahaa Reds.Inkasta oo heshiiska la dhamaystiray, haddana waxa la sugayaa in Konate uu soo gaadho UK oo uu qalinka ku duugo heshiis shan sannadood ah oo…

WAR BUUXA: Erling Haaland Oo Ugu Dambayn Caddeeyay Haddii Uu Borussia

Weeraryahanka da’yarka ah ee kooxda Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland ayaa si cad uga hadlay mustaqbalkiisa kooxdaas maanta xilli lala xidhiidhinayay inuu suuqa xagaaga sanadkan ka dhaqaajinayo gegida Signal Iduna Park.Haaland ayaa lala xidhiidhinayaa kooxo laga xusi karo Real Madrid, Barcelona, Manchester City, Chelsea iyo Manchester United.Kooxdiisa ayaa kulamadii ugu dambeeyay xilli ciyaareedkan dhammaaday awooday inay usoo baxdo Champions League xilli ciyaareedka dambe isla markaana ku guuleysato koobka DFB…

WARBIXIN: Afarta Tababare Ee Shaqada Real Madrid Tartanka Ugu Jira &

Kooxda ree Spain ee Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa inaysan wax deg-deg ah u geli doonin si ay u magacawdo tababaraha cusub ee kooxdeeda kaddib markii uu Zinadine Zidane ka dhaqaajiyay markii labaad saddex sano gudaheed.Afarta tababare ee ku tartamaya jagada uu baneeyay ninka French-ka ahi ayaa kala ah Mauricio Pochettino, Antonio Conte, Raul Gonzalez iyo Xabi Alonso.Bixitaanka Zidane ayaan ahayn mid layaab weyn ku ah jamaahiirta kubadda cagta maadaama oo uu horeba kooxda mar uga tagay isla markaana la filayay inuu baxo…