RASMI: Liiska Xiddigaha Real Madrid Uga Qayb Galaya Kulanka Villarreal

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinadine Zidane ayaa ku dhawaaqay liiska xiddigaha kooxdiisa uga qayb galaya kulanka ugu dambeeya horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan ee ay caawa soo dhawaynayaan kooxda Villarreal.

Real ayaa laba dhibcood ka dambaysa hoggaamiyayaasha Atletico Madrid iyadoo maanta lagu kala calaf-qaadi doono hanashada horyaalka oo sanadkan xiiso gaar ah lahaa.

Real ayaa doonaysa inay guul ka gaadho Villarreal isla markaana ku ducaysanaysa inay Atletico ugu yaraan bar-bardhac lasoo gasho Real Valladolid oo ay booqanayso.

Liiska xiddigaha uu Zidane soo saaray ayuu sidii la filayay ka maqan yahay Eden Hazard oo uu tababaraha ree France shalay shaaciyay inuu dhaawac fududi gaadhay.

Kabtanka Los Blancos ee Sergio Ramos oo kulankani noqon karo midkii ugu dambeeyay ee uu abid kasoo muuqdo Real ayaa isaguna kusoo baxay xulashada kaddib mudo uu dhaawac ku maqnaa.

Liiska Oo Dhammaystiran

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More