Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

RASMI: Liverpool Oo Ku Dhawaaqday Saxeexeedii Ugu Horreeyay Xagaaga &

Kooxda Liverpool ayaa ku dhawaaqday saxeexeedii ugu horreeyay ee suuqa xagaaga iyaga ooshaaciyay inay heshiis rasmi ah la gaadheen kooxda Red Bull Leipzig oo ay kala soo wareegayaan daafaca dhexe ee Ibrahima Konate.22 sano jirkaas ayaa heshiis shan sano ah oo 1-da bisha July ka bilaabmi doona u saxeexay Liverpool isaga oo heshiiska shaqsiga ah la meel dhigay sidoo kalena tijaabada caafimaadka ka gudbay.Konate oo bogga LiverpoolFc.com la hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay ku biirista Liverpool balse uu hadda diirada…

YAAB ADUUN: Waa Maxay Alaabta Jesse Lingard Lagaga Dhex Xaday Qolka

Xiddiga qaabka amaahda ah kaga maqan kooxda Manchester United ee Jesse Lingard ayaa lagu soo warramayaa in qolka labiska West Ham United lagaga dhex xaday saacad qaali ah oo uu xidhnaa.Dhacdadaas ayaa lagu soo warramayaa inay qolka labiska kooxdaas ka dhacday bil kahor kulankii ay guuldarrada 1-0 ka ah kala kulmeen Everton balse ah xog hadda la helay.Xiddiga ayaa ah mid leh saacado badan oo qaali ah iyaga oo qaarkood ugu qiimaysan yihiin lacag lagu qiyaaso lix god.Shaqsi u hadlay West Ham ayaa yidhi isaga oo saxaafada u…

Pep Guardiola Oo Qirtay Dhibaato Aanu Kala Kulmin Man City Balse Uu

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa sheegay dhibta uusan ku qabin kooxdaas balse uu ku qabi lahaa kooxaha kale ee magac ahaan weyn sida Barcelona, Real Madrid, Manchester United iyo Liverpool.Arinta dhib la’aanta ah ee uu Pep sheegay inuu ku qabo City ayaa ah inaan la saarin cadaadis ah inuu ku guuleysto UEFA Champions League walow uu fursadaas haysto berrito marka ay Final-ka tartankaas Chelsea kaga hortagayaan.City ayaa ah kooxdii saddexaad ee uu Guardiola maamulo waayihiisa ciyaareed isla markaana ah…

MA HUBTAA? Xiddig Man City Ah Oo Quudhsaday Dhulkana La Galay Chelsea

Garabka weerar ee kooxda Manchester City ee Raheem Sterling ayaa u muuqda mid quudhsaday dhigooda Chelsea kahor Final-ka Champions League ee labada kooxood magaalada Porto ku dhex maraya Sabtida berri ah.Man City ayaa markeedii ugu horreysay gaadhay Final-ka Champions League waana markoodii ugu horreysay ee ay Final-ka koob Yurub ah gaadheen 51 sano kaddib iyaga oo jabiyay rekoodhka kooxda wakhtiga ugu dheer ku qaadatay gudaha laba Yurub Final.Kooxda tababare Pep Guardiola ayaa xilli ciyaareedkan 11 kulan guulo kasoo heshay…

Zidane Oo Kusii Jeeda Premier League, Man United Oo Doonaysa SHAN

Manchester City ayaa doonaysa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Aston Villa ee  Jack Grealish oo 25 jir ah, waxaanay diyaarisay dalabkeedii u horreeyey oo £100 milyan oo Gini ah. (Mail)Difaaca kooxdda Villarreal ee Pau Torres oo 24 jir ah iyo saddex ciyaartoy oo kale oo reer England ah oo kala ah Declan Rice, Jadon Sancho iyo Harry Kane ayaa kusoo baxay liiska uu tababaraha Manchester United  ee Ole Gunnar Solskjaer doonayo xagaagan. (Guardian)Solskjaer ayaa Manchester United u saxeexaya heshiis cusub oo saddex sannadood ah,…

Xulka Qaranka Morocco Oo La Shaaciyey, Ziyech & Hakimi Oo Lagu Daray

Xulka qaranka Morocco ee lagu naanayso Atlas Lions ayaa lagu dhawaaqay iyagoo isku diyaarinaya kulamada isreeb-reebka Koobka  Adduunka.Tababare Vahid Halilhodzic ayaa shaaciyey ciyaartoyga xulka qarankiisa ee kulamada saaxiibtinimo ee Ghana iyo Burkina Faso ee garoonka Prince Moulay Abdillah Sports Compelex ay bisha dambe ee June kula ciyaari doonaan, ka hor inta aanay gaadhin kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka.Halilhodzic ayaa soo saaray liiska ciyaartoydiisa oo ka kooban 26 ciyaartoy oo ay hormood u yihiin xiddigaha…

VIDEO: Daawo Muuqaallada Naxdinta Leh Ee Taageereyaasha Chelsea & Man

Booliska waddanka Portugal ayaa ku mashquulsan sidii ay u kala ilaalin lahaayeen taageereyaasha kooxaha Manchester City iyo Chelsea ka hor ciyaartooda finalka Champions League ee Sabtida ka dhacaysa magaalada Porto.Kumannaan taageereyaasha Man City iyo Chelsea ayaa tegay waddanka Portugal, iyagoo qayb ka noqonaya garoonka Estadio do Dragao iska xaadirin doona si ay kooxahooda uga caawin karaan in ay ku guuleystaan horyaalka Yurub.Laakiin ka hor inta aan ciyaartaba la gaadhin, waxa magaalada Porto ka jirta xaalad ka beddelan…

Pep Guardiola Oo Dhisaya Boqortooyo Cusub, Dalab £100 Milyan Ah Oo Uu

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa u xadhko xidhatay sidii ay ku heli lahayd laacibka khadka dhexe uga ciyaara Aston Villa ee Jack Grealish, kaas oo ay ka dhigatay bartilmaameedka koowaad ee suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga, iyadoo haddaba diyaarisay dalab £100 milyan oo Gini ah oo maalmaha soo socda ay gaadhsiin doonto Villa.Tababare Pep Guardiola ayaa doonaya in uu laacibkan kaga hormaro Manchester United oo iyaduna doonaysa, si ay Man City usii ahaato boqortooyo Ingiriiska ah oo sidii United oo kale sannado badan…

David De Gea Oo Ka Baxay Aamusnaanta, Waxa Uu Ka Yidhi Guul-darradii

Goolhayaha Manchester United ee David de Gea ayaa ugu dambayn ka hadlay guul-darradii kooxdiisa kasoo gaadhay finalka Europa League oo Arbacadii ay Villarreal koobka kaga qaadday rikoodheyaal.David de Gea ayaa khasaariyey rikoodhihii ugu dambeeyey ee kooxdiisa, iyadoo uu awoodi waayey in uu qabto dhamaan 11kii rikoodhe ee ay laagatay Villarreal, waxaase usii dheer oo uu canaan kale ku mutaystay, in uu raaci waayey tilmaantii iyo qishkii tababareyaashiisu siiyeen ee ku saabsanaa halka ay ciyaartoyda Villarreal tooganayeen.Ole…

RASMI: Pep Guardiola Oo Shaaciyey Xiddigaha Man City Ee Finalka

Manchester City ayaa shaacisay magacyada 24 ciyaartoy oo xalay fiidkii ka duulay waddanka Ingiriiska, kana degay magaalada Porto ee waddanka Portugal, halkaas oo Sabtida ay finalka Champions League kula ciyaari doonaan Chelsea.Tababare Pep Guardiola ayaa soo wada qaatay ciyaartoydiisa oo safarka la galay, waxaana uu rajaynayaa in uu rumayn karo riyada kooxdiisa ee ah in ay ku guuleystaan koobkoodii ugu horreeyey ee Champions League ah.Garoonka Estadio do Dragao ayaa marti-gelin doona kulankan, waxaana Man City usoo laabtay…