Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Waatan Shaxda Cajiibka Ah Ee Ay Barcelona Doonayso Inay Xilli

Waxa la filayaa in shax Barcelona ah oo aad uga duwan midii hore ay tartan geli doonto xilli ciyaareedka dambe iyaga oo xagaagan suuqa dhaq-dhaqaaqyo waaweyn ka samaynaya isla markaana isku dayaya inay heshiis cusub ka saxeexdaan Lionel Messi.Waxa la filayaa in tababare Ronald Koeman uu sii ahaan doono tababaraha kooxda, talaabadaas ayaa ah mid layaab leh balse sidoo kale fududayn doonta saxeexyada xiddigaha qaar ay kooxdu isha ku hayso.Sergio Aguero ayaa kamid ah xiddigaha xilli horeba xaqiijiyay heshiiska ay Barcelona ugu…

RASMI: Liverpool Oo Ku Dhawaaqday Xiddiga Ku Guuleystay Goolkii

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa shaacisay xiddiga ku guuleystay abaal-marinta goolkii ugu wanaagsanaa ee ay kooxdaasi dhaliso xilli ciyaareedkan, kaas oo ay ku tartameen labada Mohamed Salah iyo Alisson Becker.Goolhayaha reer Brazil ee Alisson ayaa ku garaacay Mohamed Salah iyo Rinsola Babajide goolkii ugu qurux badnaa ee xilli ciyaareedkii 2020/21 ee dhowaanta dhamaaday.Alisson ayaa madax ku dhaliyey kubbad koorne ahayd daqiiqaddii ugu dambaysay ee kulankii West Bromwich Albion ee xilli ciyaareedkan, kaas oo ay rajada…

SAADAAL: Min Kulanka U Horreeya Illaa Finalka Euro 2020 Oo La

Waa su’aasha ugu weyn ee taalla, waase mid ku xidhan awoodda waddamada, nasiibka iyo waqtiga oo noqonaya midka go’aaminaya dalka ku guuleysan doona tartanka qaramada Yurub ee toddobaadka dambe bilaabmi doona.Sannadkii hore ayaa uu qorshaysnaa in la qabto Euro 2020, laakiin fayraska Korona dartii ayaa dib loogu dhigay muddo sannad ah, waxaase UEFA ay go’aamisay in aanay ka beddelin magaciisii ahaa Euro 2020 xataa iyadoo sannad kaddib la ciyaarayo.Saadaalo kala duwan ayaa laga bixinayaa waddamada ugu cad-cad ee ku guuleysan…

SADDEX Xiddig Oo Isku Weydaaranaya Real, PSG & Juve, Laba Ciyaartoy Oo

Real Madrid ayaa lasoo saxeexanaysa weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe oo 22 jir ah, waxaanay PSG booskiisa ku biixn doontaa Cristaino Ronaldo oo 36 jir, ayna ka qaadan doonto Juventus, taas oo iyadana la siin doono Mauro Icardi oo 28 jir ah oo ku laaban doona Talyaaniga. (Lacazette)Real Madrid ayaa la xidhiidhay Jose Mourinho toddobaadkii tegay ka ho rintii aanay magacaabin Carlo Ancelotti. Mourinho oo dhowaan qandaraas u saxeexay Roma ayaa iska diiday in uu ku laabto Madrid. (Telegraph)Rajadii Chelsea ee ahayd in…

Haddii Aad Is-leedahay Waxaad Ka Fiicnaan Kartaa Ronaldo Iyo Messi,

Weeraryahanka reer France ee Klian Mbappe ayaa rajaynaya in koobkii Adduunka ee uu ku guuleystay 2018 uu ku darsado Euro 2020 oo uu xulka qarankiisa ku hoggaamiyo, laakiin waxa uu ogsoon yahay in jid-dheer ay u marayaan hanashada koobkan.Paris Saint-Germain ayuu xiddigeedani rumaysan yahay, in loo baahan yahay in yool la yeesho oo diiradda lagu jeediyo hal meel, taas oo uu tibaaxay in ay ka caawin karto in ay ku guuleystaan.22 jirkan oo waraysi siinayey Esquire, ayaa yidhi: “Kubadda heerkeedu sarreeyo, qofna meel kuuma…

Chelsea Oo Guul-darro Kasoo Gaarey Suuqa Iibka & Xiddigii Ugu Weynaa

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa jug weyni kasoo gaadhay suuqa iibka ciyaartoyga, waxaana dhabarka u jeediyey laacibkii ugu weynaa ee ay doonayeen in ay soo iibsadaan xagaaagan.Chelsea ayaa markii ay ku guuleysatay tartanka Champions League, waxay calaamadsatay saddex ciyaartoy oo Thomas Tuchel uu doonayey in uu kusoo kordhiyo safkiisa, kuwaas oo lacagtoodana uu ka helay Roman Abramovich oo qalinka ku duugay 200 milyan oo Gini oo saddexdaas ciyaartoy uu ku keeni Stamford Bridge.Weeraryahanka reer Belgium ee Romalu Lukaku…

Muxuu Ahaa Rikoodhka Xun Ee Benzema Looga Diiwaangeliyey Kulankii

Karim Benzema ayaa kulankiisii ugu horreeyey u saftay xulka qaranka France muddo lix sannadood ku dhow, waxaanu kusoo bilowday ciyaartii saaxiibtinimo ee Arbacadii ay 3-0 ku karbaasheen Wales, taas oo u ahayd mid farxad badan.Weeraryahankan ayaa lagu daray xulka qaranka France ee tartanka Euro 2020 ka qayb-gelaya, waxaanay taasi soo afjartay caydhintii lagaga sameeyey xulka qaranka markii ay soo baxday fadeexaddii cajaladda galmo ee laga duubay Valbuena sannadkii 2015.Benzema ayaa kusoo garab bilowday Kylian Mbappe iyo…

Kevin De Bruyne Oo Dhaawac Ku Seegaya Furitaanka Euro 2020 Iyo

Kevin de Bruyne ayaa seegi doona kulanka waddankiisa Belgium uu ku furanayo tartanka Euro 2020 ee ay ka hortegi doonaan waddanka Ruushka, kaddib dhaawacii kasoo gaadhay wajiga finalkii Champions League, markaas oo uu ka jabay sanqaroorka iyo lafta isha agteeda.Tababaraha xulka qaranka Belgium ee Roberto Martinez ayaa xaqiijiyey, in Kevin de Bruyne aanu qayb ka noqon doonin kulanka ay RUushka la ciyaari doonaan, laakiin ay kulamada xiga u xidhi doonaan ‘weji-ilaaliye’ u qarin doona sanka iyo indhaha agtooda ee uu dhaawacu ka…

Arsene Wenger Oo Magacaabay Waddanka Ku Guuleysanaya Koobka Euro 2020

Tababarihii hore ee Arsene ee Arsene Wenger ayaa magacaabay waddanka ugu cad-cad ee  ku guuleysan doona tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020 ee toddobaadka dambe bilaabmi doona.Arsene Wenger oo ka tirsan masuuliyiinta FIFA, isla markaana ciyaaraha ka falanqeeya telefishanka beIN Sports oo uu ka tirsan yahay khubaradiisa ayaa waxa uu rumaysan yahay, in laacib ciyaaraha caalamiga ahaa  ka maqnaa sannado badan balse dib usoo noqday uu isbeddel ku samaynayo sidii ay markii hore ahayd awoodaha qaramada Yurub ee ku loollami doona…

Faransiiska Oo Xasuuq Geystay, England Oo Libin Dirti Ah Heshay,

Xulka qaranka England ayaa guul cidhiidhi ah gaadhay Austria oo ay ku martigeliyeen Riverside, kulan saaxiibtinimo oo ay iskugu diyaarinayeen tartanka qaramada Yurub ee toddobaad kaddib bilaabmi doona.Gool uu qaybtii labaad u dhaliyey Bukayo Saka ayaa England ay ku heshay guul u noqonaysa niyad-dhis wanaagsan  oo ay ku tegi doono Euro 2020, waxaana tababare Gareth Southgate ay heleen fursado kale oo ay goolal u beddeli karayeen, halka Austria ay iyaduna khataro badan abuurtay qaybtii dambe oo ay lumisay kubbado goolal loo…