Akhriso Oo Hayaabin: Bruno Fernandes Oo Ka Caawiyey In Villarreal Ku
Bruno Fernandes ayaa lagu eedeeyey in uu Villarreal ka caawiyey in ay ku guuleysato koobka Europa League, kaddib markii uu siiyey faa’iido weyn oo sabab u noqotay in kooxda reer Spain ay rikoodheyaal ku garaacdo Manchester United.
Khubarada ciyaaraha ee LSE professor ayaa cilmi baadhis ku sallaysan cilmi-nafsiga iyo xaaladda ciyaartoyda ee rikoodheyaal laadashada, waxay ku xaqiijiyeen, in kooxda hor-tuuraya gool-ku-laadku ay mar walba ku jirto xaalad ka deggan tan kale, isla markaana uu culays badani saaran yahay kooxda ku dambaysa tuurashada rikoodhaha.
Tani waa sidii ku dhacday Manchester United xalay, waxaase qaladka iska lahaa Bruno Fernandes oo hadiyad ku siiyey Villarreal in ay ku horreeyaan laadka, isla markaana ay Red Devils ku dambayso in ay rikoodheyaasha tuurato.
United ayaa guul-darro kasoo gaadhay finalka Europa League, iyadoo goolhayaha Villarreal ee Geronimo Rulli uu noqday ciyaartoygii 11aad ee Yellow Submarines u dhaliya rikoodheyaasha oo dhamaan ciyaartoydoodii garoonka ku jiray ay ku wada hubsadeen shabaqa Manchester United, laakiin David de Gea oo ahaa ciyaartoygii ugu dambeeyey Manchester United ee tuurtay rikoodhaha ayaa laga qabtay, sidaas ayaanay ciyaartu ugu dhamaatay rikoodheyaal 11-10 ah, iyadoo natiijada ciyaartii caadiga ahaydna kusoo dhamaatay 1-1.
Bruno Fernandes oo ahaa kabtanka Manchester United ee kulankii xalay ayaa ciyaarta kaddib la arkayay isagoo ooyaya, isla markaana ilmada xajisan la’.
Si kastaba, cilmi-baadhista ayaa waxay sheegaysaa in natiijada ciyaartu ka duwanaan lahayd haddii Manchester United ay noqon lahayd kooxda ku horreysa laadka, waxaase fursaddaas lumiyey Fernandes oo sameeyey qalad weyn, kaddib markii uu doortay in kooxdiisu ay ku dambayso laadka rikoodhaha.
Ignacio Palacios-Huerta ayaa u sheegay Daily Mail sidan: “Waxa aan u malaynayay in inta badan dadka kubadda cagtu ay garanayaan, amaba ugu yaraan ay leeyihiin caqli wanaagsan oo ay ku gartaan faa’iidada 60-40 {ee ay kala yeelanayaan labada kooxood ee ku kala horreeya tuurashada rikoodhada}.
“Wax laga naxo ayay ahayd in la arko Bruno oo go’aansaday in uu siiyo Villarreal boqolkiiba 20 faaqiiqo ah.”
Cilmi-baadhista la xidhiidha tuurashada rikoodhaha iyo sida ay kooxuhu ugu kala faa’iido badan yihiin, ayaa waxa la sameeyey intii u dhaxaysay 1976 illaa 2003, waxaana xogtan oo ilaa waqtigaas la ururinayay ay muujisay, in 60.5% ay guusha u dhowdahay kooxda ku horreysa tuurashada laadka rikoodhuhu.