GO’AAN: Chelsea Oo Go’aankii Aadka Loo Sugayay Ka Gaarey Eden Hazard

Kooxda ree London ee Chelsea ayaa lagu soo warramayaa inay go’aan ka gaadhay haddiiba ay suuqa xagaagan u dhaqaaqayso saxeexa ciyaaryahankeedii hore ee Eden Hazard oo labadii sano ee ugu dambeeyay ka tirsanaa Real Madrid.

Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay, Blues ayaan muhiimada koowaad siin doonin Eden iyaga oo xooga saari doona inay suuqa ka helaan weeraryahan ‘Heer caalami ah’.

Hazard ayaa Stamford Bridge ka tagay sanadkii 2019 balse ku fashilmay inuu caasimada Spain kusoo bandhigo wixii laga rajaynayay.

Xiddiga ree Belgium ayaa la filayay inuu wax weyn ku kordhin doono weerarka Real Madrid balse mudada uu kooxdaas joogay dhibane usoo ahaa dhaawacyo iyo taam ahaansho la’aan.

Madrid ayuu kasoo dhammaaday samirkii ay ku haysay 30 sano jirkaasi waxaana la xusayaa inay hadda diyaar u tahay inay iska iibiso.

Mid kamida kooxaha ay wararku sheegeen inay tixgelinayso inay u dhaqaaqdo saxeexiisa ayaa ah isla kooxdiisii hore ee Chelsea.

Sida uu sheegayo wargeyska Sunday World, Blues ayaa loo sheegay in Hazard uu doonayo ku laabashada kooxdooda. Laakiin soo laabashada Hazard ayaysan kooxdaasi u arag muhiimadeeda koowaad iyada oo bar-tilmaameedka u horreeya weeraryahan dhexe ka dhigan doonta.

Weeraryahanka Inter Milan ee Romelu Lukaku ayaa loo arkaa inuu halka ugu sarreysa kaga jiro liiska weeraryahanada ay doonayso Chelsea.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More