Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Kaddib Guushii Champions League, Akhriso Mushaharka Ciyaaryahanadda

Ciyaaryahanadda Chelsea ayaa la siinayaa £10 milyan oo Gini oo abaal-marin ahaan ay u heli doonaan kaddib guushii koobka Champions League ee horraantii toddobaadkan.Mulkiilaha Chelsea ee Roman Abramovich ayaa u ballan-qaaday ciyaartoyda, inuu siinayo £10 milyan haddii ay ku guuleystaan Champions League, waxaanay xiddigaha kooxdu xaqiijiyeen guushaas, waxayse ka sugayaan maalqabeenkan in uu isagunka dhabeeyo ballanta uu qaaday.Tababare Thomas Tuchel oo bishii January loo magacaabay shaqada tababarenimo ee Chelsea ayaa…

DAGAAL: Sergio Ramos Oo Isku Diraya Ciyaaryahanadda & Maamulka Real Madrid

Kabtanka kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa la sheegay in uu ka shaqaynayo sidii uu iskugu dhufan lahaa ciyaartoyda iyo maamulka, waxaanu ku guubaabinayaa inay ka hor yimaaddaan Madaxweyne Florentino Perez.Sergio Ramos oo uu qandaraaskiisu dhamaaday ayey wali kooxda isku afgaran la’ yihiin in uu saxeexo qandaraas cusub, waxaana la filayaa in toddobaadyada soo socda si rasmi ah loo ogaado haddii uu ka tegayo Real Madrid iyo haddii uu saxeexayo heshiis cusub.Laakiin ka hor inta aan la isla gaadhin arrintiisa…

Barcelona Oo Go’aankii La Sugayay Ka Gaarey Tababare Ronald Koeman –

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa go’aankii la sugayay ka gaadhay tababare Ronald Koeman oo tan iyo markii uu xilli ciyaareedku dhamaaday mustaqbalkiisa mugdi ku jiray, isla markaana u dhexeeyey in la eryo iyo in uu kusii negaado oo uu sii joogo kooxda.Koeman ayaa xagaagii hore yimid Barcelona isagoo waqtigaas iska soo casilay tababarenimada xulka qarankiisa Holland, waxaanu shaqada ka beddelay Quique Setien, hase yeeshee hal xilli ciyaareed kaddib waxa looga yeedhay xafiiska madaxweynaha kooxda, waxaana mar kale loo…

DAAWO YAABKAN: Maxaa Kala Qabsaday Didier Deschamps Iyo N’Golo Kante

N’Golo Kante ayaa kasoo habsaamay shirkii tababare Didier Deschamps iyo ciyaartoyda xulka qaranka France ee ka horreeyey, waxaana uu waqti dambe soo galay qolka shirku ka dhacayay oo ay kaliya ku sugnaayeen tababaraha iyo gacan-yareyaashiisa.Kante oo Sabtidii Chelsea kula soo guuleystay tartanka Champions League, ahaana hadal-hayntii ugu badnayd ee ka taagnayd fagaareyaasha ciyaaraha kaddib markii uu bandhig cajiib ah sameeyey.Laacibkan oo xiddiga garoonka kusoo guuleystay saddexdii kulan ee finalka Champions League iyo…

QIIMAYN: Fursadda Uu Waddan Walba U Haysto Ku Guuleysiga EURO 2020 Oo

Tartanka Euro 2020 ee ay ahayd in sannadkii hore la qabto, waxa dib loogu dhigay sababta fayraska Korona dartii, laakiin waxa xidhiidhka kubadda cagta Yuruh ee UEFA uu go’aansaday in aan laga beddelin magaciisii asalka ahaa ee Euro 2020.Maalinta Jimcaha ee June 11 ayay bilaabmayaan ciyaaraha qaramada Yurub ee sannadkan, waxaana ka qayb-gelaya 24 waddan iyadoo la beddelay qaabkii hore loo ciyaari jiray oo ay si wada-jir ah u martigelinayaan 11 magaalo oo ku kala yaalla 11 waddan.Liisaska kama dambaysta ah ee xulalka ayaa UEFA…

Manchester United Oo Diyaarisay Lambarrada Ay Xidhanayaan Raphael

Manchester United ayaa si xooggan u gelaysa suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga, waxaana ay qorshaynaysaa in ay lasoo saxeexato laba illaa saddex ciyaartoy oo isbeddel ku samayn kara safka kooxda, sarena usoo qaada awooddooda, si ay usoo yareeyaan farqiga u dhexeeyey Manchester City xilli ciyaareedkii dhowaanta dhamaaday.Tababare Ole Gunnar Solskjaer oo ay kooxdiisu kaalinta labaad kaga dhamaysatay horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkii hore, sidoo kalena ay finalka Europa League kaga qaadday Villarreal, waxa uu suuqa…

Xiddigaha Real Madrid Ee Ku Farxay Soo Laabashada Carlo Ancelotti Oo

Carlo Ancelotti ayaa kusoo laabtay Real Madrid oo uu ka beddelay Zinedine Zidane oo toddobaadkii hore iscasilay, waxaana uu ugu yimid Santiago Bernabeu qaar ka mid ah ciyaaryahannadii uu soo maamulay waqtigiisii hore ee uu tababaraha ahaa kooxdan.Ancelotti ayaa Real Madrid tababare u ahaa muddadii u dhaxaysay 2013 illaa 2015 oo uu u qaaday Champions League, waxaana markan horyaalla imtixaan ah in uu qabto shaqadii Zidane oo kale oo ku guuleystay 11 koob oo ay ku jiraan saddex Champions League, laba horyaal iyo koobab kale,…

WAALLI: Isbar-Bardhiga Mushaharkii Uu Sergio Aguero Ka Qaadan Jiray

Weeraryahanka cusub ee kooxda Barcelona ee Sergio Kun Aguero ayaa muujiyay sida ay uga go’antahay inuu u ciyaaro kooxdaas xilli haatan lasoo bandhigay mushaharka aadka uga hooseeya midkii uu hore u heli jiray ee uu ka aqbalay.Aguero ayaa la fahamsan yahay inuu mushahar aad u badan ka qaadan jiray City balse mid kii hore aad uga duwan hadda kula jooga sida uu sheegayo wargeyska Spain kasoo baxa ee Mundo Deportivo.Aguro ayaa Man City sanadkii mushahar ahaan 23 Milyan oo euro ka qaadan jiray balse arrinta mucjisada ah ayaa ah…

Waa Kuwee Kulankii Iyo Goolkii Ugu Fiicnaa Ee Cristiano Ronaldo

Weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa doortay kulankii uu ugu qaab ciyaareedka fiicnaa iyo goolkiisii ugu qurxoonaa ee waayihiisa ciyaareed ee cajiibka ah.36 sano jirkaas ayaa ku dhawaad 20 sano ka ciyaarayay heerka ugu sarreeya kubadda cagta waxaana uu soo samaystay xog cajiib ah oo ay kaliya kuwo koobani la tartami karaan.Kaddib shanta Champions League ee uu ku guuleystay, koobab badan oo maxali ah oo uu soo qaaday iyo guushii Euro 2016 ee xulkiisa Portugal ayaa ka dhigan in Ronaldo uu ka koobab badan…

WARBIXIN: Chelsea Oo 11 Xiddig Ka Diraysa Kooxdeeda Suuqan & Kuwa Lama

Tababaraha kooxda Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa doonaya inuu soo xoojiyo kooxdiisa Chelsea ee kusoo guuleysatay Champions League isaga oo keenaya ku dhawaad afar saxeex.Afarta boos ee uu tababaraha ree Germany doonayo inuu kooxda kasoo dhiso ayaa lagu sheegay weeraryahan dhexe, daafac dhexe, khad dhexe iyo garab daafac oo midig.Bedelkooda waxa la xusayaa ilaa 11 ciyaaryahan oo ka tagi kara kooxda isla suuqa xagaaga ee sanadkan kuwaas oo amaba qaab amaah ah ku baxaya amaba qaab rasmi ah.Wargeyska Sportsmail ayaa shaaca ka…