Maaha Conte, Raul & Low – Real Madrid Oo Xulatay Tababaraheeda Cusub,
Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa calmatay macallinka PSG ee Mauricio Pochettino, kaddib markii ay Juventus uga hormartay Massimiliano Allegri oo maanta la shaaciyey in ay heshiis la gaadhay.
Real Madrid ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday in uu ka tegay Zinedine Zidane oo waliba isagu si shaqsi ah u gaadhay go’aan ah in uu iskaga tegayo kooxda iyadoo 12 bilood ka hadhsan yihiin qandaraaskiisa xilli ay kooxdu doonaysay in uu sii joogo.
Kooxda reer Spain ayaa lala xidhiidhinayay Allegri, Joachim Low, Raul Gonzalez iyo Antonio Conte oo isaguna Arbacadii iska casilay Inter Milan oo uu maalmo ka hor u qaaday horyaalka Serie A, laakiin waxa hadda soo baxday in Real Madrid ay soo celisay xiisihii ay horeba ugu qabtay Mauricio Pochettino oo ay hore xidhiidho ula samaysay waqtigii uu joogay Tottenham.
Mauricio Pochettino ayaa lagu soo warramayaa in uu doonaya in uu iskaga tago PSG oo uu xilli ciyaareedkii hadda dhamaaday oo socda uu ka beddelay Thomas Tuchel, kaddib markii uu u qaaday Coupe de France iyo French Super Cup, laakiin ay Lille ku garaacday horyaalka Ligue 1.
Santiago Bernabeu ayaa magacyada sannadihii ugu dambeeyey lala xidhiidhinayay waxa safka hore kaga jiray Pochettino, laakiin qandaraaska uu kula jiro kooxda reer France oo soconaya illaa 2022 ayay Real Madrid ku qasbanaan doontaa in ay bixiso magdhowgiisa haddii Pochettino ay ku qanciso in uu soo burburiyo heshiiskaas.