SAADAAL: Lawro, oCole & Hargreaves Oo Saadaaliyey Finalka Champions

Finalka Champions League ayaa la ciyaari doonaa Sabtida, waxaana markii labaad saddex sannadood gudahood iskugu yimid kulanka ugu dambeeya laba kooxood oo Ingiriis ah, taas oo muujinaysa in awooddii kubadda cagta uu la wareegay horyaalka Premier League.

Manchester City oo aan waligeed finalka imanin ayuu Pep Guardiola kasoo saaray inkaartii ku haysatay wareegyada  siddeedda iyo semi-finalka ee ay ku hadhi jireen, waxaanay isku muruxsanayaan Chelsea oo sannadkii 2012 koobkan ku guuleysatay.

Labadii jeer ee ugu dambeeyey ee dhamaan tartamada, waxa guuleysatay Chelsea oo uu watay Thomas Tuchel, waana natiijooyin niyadda u dhisaya Blues, halka Pep uu khiddaddiisii, xeeladihiisii iyo farsamooyinkiisii uu lasoo bixi doono, isagoon waxba  la hadhayn, si uu Man City ugu qaado koobkeedii ugu horreeyey ee Champions League ah.

Kulankan, waxa saadaal ka bixiyey khubarada kubadda cagta, iyadoo aanu hore idiinku soo gudbinay Michael Owen oo la jiray dhinaca Man City oo uu tibaaxay in ay laba gool dhalin doonto.

Saadaasha Owen, waxa ku raacay halyeeyo kale oo kubadda cagta ah, waxaana kasoo horjeedsaday oo dhinaca Chelsea maray kuwo kale.

Khabiirka ciyaaraha Mark Lawrenson oo inta badan sameeya saadaasha kulamada horyaalka Premier League ayaa usbuucan u leexday finalka Champions League oo uu saadaal ka sameeyey, waxaana sidoo kale aan ka hadhin Joe Cole iyo Owen Hargreaves.

Mark Lawrenson oo saadaashii uu ka sameeyey finalka Europa League ay ku beenowday kaddib markii uu sheegay in Manchester United ay koobka qaadayso, ayaa  mar kale aan ka fogaanin magaaladaas, waxaana uu saadaashiisa ku sheegay in Manchester City ay badin doonto, isla markaana 2-0 ay ku garaaci doonto Chelsea.

Halyeygii Chelsea ee Joe Cole ayaa kasoo horjeedsaday saadaasha Mark Lawrenson, waxaana uu sheegay in waqtiga caadiga ah ee 90ka daqiiqadood ee ciyaartu uu kusoo dhamaan doono 1-1, kaddibna lagu dari doono waqti dheeraad ah oo 30 daqiiqadood ah, halkaasna ay Chelsea ku dhalin doonto gool kale.

Joe Cole ayaa yidhi: “Waqtiga caadiga ah waxa uu ku dhamaan doonaa 1-1, waxaana lagu dari doonaa waqti dheeraad ah. Chelsea ayaa jabin doonta Man City oo ciyaarta maamulaysa, waxaana gool ka dhalinaya Timo Werner.

“Ciyaarta ayaa ku dhamaan doonta 2-1 ay Chelsea ku badinayso.”

Owen Hargreaves ayaa isaguna saadaashiisa ku khilaafay Joe Cole, waxaana uu beddelay magaca kooxda guuleysanaysa hase yeeshee waxa uu ku waafaqay tirada goolasha ay labada kooxood kala dhalinayaan.

Hargreaves ayaa yidhi: “Waxa 2-1 ku badinaysa City. Phil iyo Riyad Mahrez ayaa u dhalinaya goolasha, laakiin Chelsea ayaa heli doonta gool qurux badan oo uu saxeexi doono Kai Havertz.”

Akhriste: Adiguna saadaali kulankan adag oo halka hoose ee farriinta akhristaha loogu talo-galay ku qor, kooxda guuleysanaysa, ciyaartoyda goolasha dhalinaya iyo inta lagu kala badinayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More