RASMI: Xiddigaha Chelsea Ee Kulanka Finalka Champions League Ee Man
Edouard Mendy iyo N’Golo Kante ayaa lagu daray liiska ciyaartoyda Chelsea ee maanta u safartay magaalada Porto ee waddanka Portugal, halkaas oo ay Sabtida ku wada ciyaari doonaan Manchester City kulanka finalka Champions League ee xilli ciyaareedkan.
Chelsea ayaa shaacisay xiddigaha kooxdeeda ee safarka tegaya, isla markaana taamka u ah, waxaana jamaahiirta farxad geliyey labada ciyaartoy ee N’Golo Kante oo dhaawac muruqa ah kaga maqnaa kulankii Aston Villa ee horyaalka ay kusoo xidheen iyo N’Golo Mendy oo isaguna ku dhaawacmay kulankaas.
Labadan ciyaartoy ayaa dib ugu soo laabtay tababarka kooxdooda maalintii Arbacada, waxaanay qayb ka noqdeen laba tababar ka hor inta aan lagu dhawaaqin liiska kooxda.
N’Golo Kante oo dhaawac ku baxay qaybta hore ee ciyaartii Leicester City ay ku garaaceen ayaa walwalka ugu badan ku hayay Thomas Tuchel, sababtoo ah waxqabadka laacibkan ayaan marnaba looga maarmayn joojinta ciyaartoyda Man City iyo kubbadahooda ku dhisan baaska ee ay adag tahay in laga gooyo dhexda.
Laakiin Isniintii ayuu Tuchel sii sheegay, in Mendy iyo N’Golo Kante ay taam noqonayaan iyagoo garoonka tababarka Chelsea ee Cobahm iska soo xaadiriyey gellinkii dambe ee shalay.
Thomas Tuchel ayaa magacaabay liiska ciyaartoydiisa oo ka kooban 25 ciyaartoy, mana jiraan wax layaab ah ama ku cusub oo ay taageereyaashu ka dareemayaan safkan, sababtoo ah ma jiro ciyaartoy weyn oo looga yimid sabab dhaawac ama ganaax. Tammy Abraham oo mustaqbalkiisa Stamford Bridge shaki la gelinayo ayaa lagu soo daray liiska.
Xiddigaha Chelsea ee Kulanka Finalka Champions League ee Tuchel uu shaaciyey:
Goolka: Kepa Arrizabalaga, Edouard Mendy & Willy Caballero.
Difaaca: Reece James, Cesar Azpilicueta, Antonio Rudiger, Andreas Christensen, Thiago Silva, Kurt Zouma, Ben Chilwell, Marcos Alonso & Emerson.
Dhexda: Callum Hudson-Odoi, Hakim Ziyech, Christian Pulisic, N’Golo Kante, Mateo Kovacic, Billy Gilmour, Mason Mount, Kai Havertz, Faustino Anjorin & Jorginho.
Weerarka: Tammy Abraham, Timo Werner & Olivier Giroud.