Dhago Adayga Ayuu Kaga Daray – David de Gea Oo Iska Diiday Qishkii
Goolhayaha Manchester United ee David de Gea ayaa la siiyey warqad ay ku qoran yihiin dhamaan ciyaartoyda Villarreal u laadayey rikoodheyaasha, waxaana loogu qeexay sirtooda oo dhamaystiran iyo halka ay toogtaan, laakiin goolhayaha reer Spain ayaa ku fashilmay in uu xataa hal rikoodhe badbaadiyo.
11kii ciyaartoy ee Villarreal ayaa dhamaantood dhaliyey rikoodheyaasha, waxaana qofka kaliya ee laga qabtay rikoodheyaasha uu noqday David de Gea oo guul-darro usoo jiiday kooxdiisa.
Goolhayaha reer Spain ee David Dea Gea ayaa loo dhiibay warqad muujinaysa halka uu ciyaartoy kasta oo Villarreal ahi tooganayo marka uu kubadda rikoodhaha ah tuurayo, laakiin laacibkan ayaa warqadda iska dhigay birta dhinaceeda, isagoo saaray tuwaalka uu dhididka iskaga bi’inayay.
Warqadda oo ay macluumaadkaas muhiimka ahi ku qoran yihiin, waxa layaab noqotay sababta De Gea uu u fiirin waayey ee uu tuwaalkiisa u dul-dhigay.
Laakiin waxa intaa u sii dheer, in uu sameeyey dhego adayg kale oo ah, inuu diiday inuu raaco tilmaanta tababarihiisa oo uu lix jeer dhinac qaldan isku tuuray iyadoo kubadduna dhinaca kale ka gashay goolka, laakiin lixdan jeerba waxa warqadda ugu qornayd halka ay ciyaartoydu toogayeen oo ah halka ay goolkana ka dhaliyeen.
Dani Parejo, Raul Albion iyo Francis Coquelin ayaa ka mid ahaa ciyaaryahannada De Gea loo sii sheegay halka ay tooganayaan laakiin uu dhinaca kale isku tuuray.
Lama garanayo sababta uu David de Gea u sameeyey qaladkan ee uu iskaga diiday in uu qaato tilmaanta tababarihiisa iyo qishka laga siiyey ciyaartoyda Villarrea, waxaase si weyn loogu canaantay baraha bulshada, laakiin waxa laga yaabaa in uu cudur-daar ka dhigtay ciyaaryahannada sida Gerard Moreno iyo Dani Raba oo beddelay halkii lagu tuhunsanaa ee tababaruhu warqadda ugu qoray De Gea.