Thomas Tuchel Oo Daboolka Ka Qaaday Ballan-qaad Uu Mulkiilaha Chelsea

Mulkiilaha Chelsea ee Roman Abramovich ayaa usoo degay garoonka gudihiisa markii ay kooxdiisu ku guuleysatay Champions League, waxaana dabbaal-degga iyo farxadda kaddib uu waqti la qaatay tababare Thomas Tuchel oo uu u sameeyey ballan-qaad.

Tababaraha reer Germany ee Thomas Tuchel iyo Abramovich ayaa kulan ku yeeshay gudaha garoonka kubadda cagta Estadio do Dragao, laakiin ma ahayn xilli ay ka wada hadli karaan arrimo ka baxsan inay iskugu hambalyeeyaan guusha, sidaas oo ay tahay, Abramovich ayaa kulankaas uga faa’iidaystay in uu ballanqaad u sameeyo Thomas Tuchel.

Maalqabeenka Ruushka ah ayaa u sheegay Thomas Tuchel in uu siinayo heshiis cusub oo kooxda kusii joogo iyadoo qandaraaskiisii hore ee uu saxeexay bishii January uu ahaa kaliya hal sano.

Tuchel oo warbaahinta la hadlay guusha kaddib ayaa yidhi: “Waxaan u malaynayaa in aan mar horeba helay qandaraas cusub. Maamulahaygu {Abramovich} wax ayuu ii sheegay, laakiin ma garanayo hubaashii.

“Waxay ahayd waqti cajiib ah in markii ugu horreysay aan garoonka dhexiisa kula kulmay mulkiilaha. Waxay ahayd waqtigii ugu fiicnaa amaba waxay noqon karaysay waqtigii ugu xumaa tan kaddib.”

Tuchel waxa uu sheegay in mulkiilaha Chelsea ay wada hadli doonaan maanta oo Axad ah, waxaanu yidhi: “Laakiin berri {maanta} ayaanu wada hadli doonaa. Waxa aan doonayaa in aan ogeysiiyo, in aan wali guulo u gaajaysanahay iyo in aan mar horeba doonayo koobka xiga.

“Waxa aanu haysanaa koox ciyaartooyo xooggan ah, waxa aanan doonayaa in aanu soo yarayno farqiga City.”

Guusha horyaalka naadiyada Yurub ee Champions League ayuu u hibeeyey xaalidiintii iyo qoyskiisa, waxaanu yidhi: “Waxa aan doonayaain guushan aan u hibeeyo waalidiintayda, xaaskayga iyo carruurtayda  oo garoonka joogay.”