Isbeddelka Ku Dhacay Liiska Mushaharooyinka Ciyaaryahanadda Real Madrid
David Alaba ayaa noqday ciyaartoyga saddexaad ee ugu mushaharka badan Real Madrid, kaddib markii uu shalay qalinka ku duugay heshiis si bilaash ah uu kooxdaas ugu soo biirayo.
Alaba ayaa waxa kaliya oo ka mushahar badan Gareth Bale oo inkasta oo uu amaah ku maqan yahay haddana £600,000 Gini toddobaadkii ka xoogsada Real Madrid iyo Eden Hazard oo usbuucii qaata £416,000 Gini, halka David Alaba uu isaguna qaadan doono £412,000 Gini.
Difaacan reer Austria ayaa waxa uu £100,000 Gini ka mushahar badnaanayaa kabtanka kooxda ee Sergio Ramos, laakiin xiddiga ugu muhiimsan kooxda waqtigan ee Karim Benzema ayaa dulmane ka ah dhinaca mushaharka, waxaana uu usbuucii u xaadiraa £166,000 Gini, halka Gareth Bale uu £600,000 Gini ka qaato.
Kaddib saxeexa Alaba, warbaahinta ayaa soo bandhigtay mushaharooyinka ciyaartoyda Real Madrid, taas oo aan wali laga jarin 10% ay Jimcihii ciyaartoyda oo dhani ogolaadeen, waxaana ka reebban David Alaba oo isaga aanu saamayn doonin maadaama heshiiskiisu hirgelayo waqti ciyaartoyda kale mushahar dhimis sameeyeen.
Tani waxay ka dhigan tahay, in Alaba uu dhaafi doono Eden Hazard oo uu noqon doono ciyaartoyga labaad ee ugu mushaharka badan kooxda.
Halkan kaga bogo mushaharka ciyaartoyda Real Madrid ee toddobaadlaha ah:
27. Andriy Lunin – £50,000
26. Ferland Mendy – £52,500
25. Federico Valverde – £62,000
=22. Mariano – £75,000
=22. Vinícius Júnior – £75,000
=22. Rodrygo – £75,000
21. Martin Ødegaard – £85,000
=19. Nacho – £90,000
=19. Casemiro – £90,000
18. Borja Mayoral – £100,000
17. Éder Militão – £104,000
=15. Lucas Vázquez – £115,000
=15. Marco Asensio – £115,000
14. Álvaro Odriozola – £120,000
13. Isco – £123,000
12. Dani Carvajal – £145,000
=9. Thibaut Courtois – £150,000
=9. Raphaël Varane – £150,000
=9. Marcelo – £150,000
8. Karim Benzema – £166,000
7. Luka Jovic – £175,000
=5. Toni Kroos – £210,000
=5. Luka Modric – £210,000
4. Sergio Ramos – £312,000
3. David Alaba – £412,000
2. Eden Hazard – £416,000
1. Gareth Bale – £600,000