Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

RASMI: Chelsea Oo Xaqiijisay Laba Xiddig Oo Ka Tegay Kaddib Saddex

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqday in ay fasaxday laba ciyaartoy oo kooxdeeda ka tirsanaa kaddib markii ay xaqiijisay saxeexyo saddex ah oo ay kooxdaas kusii negaanayaan Olivier Giroud, Thiago Silva iyo Thomas Tuchel.Chelsea ayay u ahayd Jimce mashquul badan oo qoraallada war-saxaafadeedyadu ay ahaayeen kuwo iska soo daba-dhacaya, isla markaana ay warbaahintu si dhow ula socotay xaaladdeeda.Warkii ugu horreeyey ee kasoo yeedhay Chelsea ayaa soo dhacay duhurkii waqtiga Geeska Afrika, waxaanay kooxdu…

Jack Grealish, N’Golo Kante, Phil Foden Iyo Shax Laga Sameeyey

Kooxda sannadka ee Premier League (PFA team of the Year) ayaa lagu dhawaaqay, waxaana kusoo baxay lix ciyaartoy oo Man City ah, laba Man United ah, laba Tottenham ah iyo mid Liverpool ah, waxaanay taasi ka dhigan tahay inay ka maqan yihiin xiddigo waaweyn oo la filayay in ay qayb ka noqdaan.Ederson; Cancelo, Stones, Dias, Shaw; De Bruyne, Gundogan, Fernandes; Salah, Kane iyo Son ayaa kusoo baxay kooxda sannadka ee Premier League uu shaaciyey.Kaddib markii ay shaxdani soo baxday, waxa abuurantay dood la xidhiidha…

RASMI: KOOXDA Sannadka Ee Premier League Oo Lasoo Saaray – Kane, Salah

Manchester City ayaa hoggaaminaysa kooxda sannadka ee horyaalka waddanka Ingiriiska, waxaanay ku yeelatay lix laacib oo ka mid ah ciyaaryahannadii tiir-dhexaadka u ahaa ee u horseeday guushii horyaalka Premier League.Pep Guardiola oo ay kooxdiisu saddex jeer ku guuleysatay horyaalka Premier League afartii sannadood ee ugu dambeeyey, ayaa waxay sannadkan qaadatay horyaalka iyadoo 12 dhibcood ka horreysa Manchester United oo labaad ku jirtay.City ayaa laga dhaliyey kaliya 32 gool xilli ciyaareedka oo dhan 38kii kulan ee…

GO’AAN La Sugayay – Man United Oo Ka Tashatay Haddii Ay Cristiano

Kooxda Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay go’aan ka gaadhay saxeexa weeraryahanka Juventus ee Cristiano Ronaldo oo lala xidhiidhinayo inay dib ula soo saxeexanayso suuqa xagaaga sanadkan 2021.Sida aanu warbixin hore idiinku soo gudbinay, Ronaldo ayay Juventus go’aan ka qaadatay mustaqbalkiisa iyadoo u sheegtay inuu fasax yahay oo albaabada kooxdu u furan yihiin haddiiba uu isagu doonayo inuu baxo.Heshiiska uu Ronaldo kula joogo Juve ayaa ah mid dhacaya June 2022 waxaana u hadhsan hal xilli ciyaareed iyadoo hadda…

Waligii Isma Bedelayo!! – Pique Oo Kaftan Kusoo Dhaweeyay Eric Garcia

Daafaca dhexe ee kooxda Barcelona ee Gerard Pique ayaa kaftan kusoo dhaweeyay saaxiibkiisa cusub ee kooxda ee Eric Garcia xilli uu ka hadlay waxa ay ku kala duwanaan karaan.Garcia ayaa maray wado aad ugu dhaw mida Pique soo maray bilawgii waayihiisa ciyaareed maadaama oo ay labaduba iyagoo da’yar ka wada tageen akaademiga Barcelona ee La Masia isla markaana kasoo ciyaareen magaalada Manchester.Pique ayaa usoo ciyaaray Manchester United halka Garcia uu usoo ciyaaray Manchester City iyadoo labada ciyaaryahanba ay koobab kusoo…

“Waan Ku Farxi Doonaa Haddii Uu Nagu Soo Biiro, Isagu Waa Guuleyste” –

Hormoodka kooxda AC Milan ee Zlatan Ibrahimovic ayaa shaaca ka qaaday sida uu ula dhacsan yahay weeraryahanka kooxda Chelsea ee Olivier Giroud.Weeraryahanka Chelsea ayaa la aaminsan yahay inuu ku dhaw yahay heshiis uu ugu wareegayo Rossoneri waxaana la sheegayaa inuu ku faraxsan yahay inay iska garab ciyaaraan Ibrahimovic.Ciyaaryahanka Swede-ka ah ayaa sidoo kale ka hadlay suurogalnimada uu kooxda qaab xor ah ugaga tagi karo goolhaye Gianluigi Donnarumma kaas oo ay xiisaynayaan PSG, Barcelona iyo Chelsea.Ibrahimovic ayaa…

HESHIIS BUUXA: Barcelona Oo Kaliya Inay Shaaciso Uga Hadhay

Kooxda Barcelona ayaa qarka u saaran saxeexa weeraryahanka ka tagaya Lyon ee Memphis Depay kaas oo u noqonaya heshiiskii afraad ee rasmi ah ee ay ku dhawaaqaan maalmihii ugu dambeeyay.Kooxda ree Catalan ayaa xilli horeba dhammaystirtay saxeexyada Sergio Aguero iyo Eric Garcia oo labaduba qaab xor ah ugaga imanaya Man City marka bishani dhammaato.Sidoo kale Barcelona ayaa dhaqan gelisay qoddob dhigaya inay dib ugala soo wareegaan Real Betis daafaca midig ee Emerson Royal kaas oo 9 Milyan oo euro ay kusoo qaateen.Haatan…

YAAB: Taageerayaal Sawir La Galayay Oo Dhaawacay Neymar Kahor Copa

Garabka weerar ee xulka qaranka Brazil iyo kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar Jr ayaa la xusayaa inay dhaawac gaadhsiiyeen qaar kamida jamaahiirta dalkiisu.Dhaawaca gaadhay Neymar ayaan ahayn mid ulakac ah balse laba kamida jamaahiirta ree Brazil oo isku dayay inay sawir la galaan isla markaana dhinaciisa u yaacay ayaa nasiib daro ku siibtay iyaga oo sidaas dhaawaca ku gaadhsiiyay.Neymar ayaa goobta ka dhaqaaqay isaga oo dhutinaya lagana dareemayo inay wax gaadheen, tababaraha xulka ee Tite ayaan wali wax war ah oo rasmi…

Maxay Tahay Sababta Ay Xiddigaha Xulka Brazil Uga Soo Horjeedaan In

Tababaraha xulka qaranka Brazil ee Tite ayaa shaaca ka qaaday in xiddigaha xulkiisu ay kasoo horjeedaan go’aanka xilli dambe dalkooda loogu wareejiyay masuuliyada ah inay Copa America martigeliyaan gudaha bishan June.Xidhiidhka kubadda cagta ee CONMEBOL ayaa shaaciyay inay dalalka Argentina iyo Colombia ka qaadeen masuuliyada martigelinta tartanka iyaga oo uga wareejiyay Colombia xasilooni daro halka ay Argentina korodhka Korona Fayras uga qaadeen.Kabtanka xulka Brazil ee Casemiro ayaan kasoo muuqan shirkii jaraa’id ee ugu…

AFTI: N’Golo Kante Ayaa Ku Guuleysanaya Ballon d’Or, Mbappe Oo 4aad

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Chelsea iyo France ee N’Golo Kante ayaa ku guuleysan doona abaal-marinta ciyaartoyga sannadka ee Ballon d’Or, waxaanu ku garaaci doonaa Robert Lewandowski oo kaalinta labaad geli doono, Kylian Mbappe oo saddexaad noqonaya iyo Lioinel Messi oo afraad u degaya.Sida ay muujisay afti laga qaaday taageereyaasha kubadda cagta, ma jiro ciyaartoy kaga habboon N’Golo Kante oo ay tahay in la siiyo Ballon d’Or, sababtoo ah, waxqabadkiisa garoomada ayaa ka sarreeyey ciyaaryahannada kale ee la…