DAAWO: Bruno Fernandes Oo Isagoo Qiiraysan Canaanaya Garsooraha

Kaamirooyinka garoonka Polsat Plus Arena Gdansk ee ay ka dhacday ciyaartii finalka Europa League ayaa qabtay Bruno Fernandes oo canaananaya garsooraha waqtigii nasashada, isagoo ku eedeeyey in uu waqti badan ku luminayo go’aamo ay tahay in uu si fudud u qaato.

United ayaa saddex daqiiqadood sugaysay VAR, sidoo kalena Juan Foyth ayaa waqtiga luminayay, isagoo dhaawac madaxa ka qaba oo istuurayay.

Fred oo beddel kusoo galay ayaa la maqlayay isagoo ciyaartoyda kooxda ku eedaynaya inay ogolaadeen in Gerard Moreno uu gool jilicsan ka dhiyo, waxaana sidoo kale aan muuqaalka ka maqnayn Marcus Rashford.

Muuqaal lasoo geliyey baraha bulshada ayaa waxa uu muujiyey Bruno Fernandes oo waqtiga nasashada si adag ula hadlaya garsooraha, waxaana sidoo kale qayb ka noqonaya hadalka Edinson Cavani.

Fernandes ayaa garsooraha ku yidhi: “Lambarka siddeedaad laba jeer ayuu tegay. Mar waxa uu dhulka jiifay hal minit, kaddibna mar kale goolka kaddib.

“VAR ayaad sugtay hal daqiiqo. Siddex minit miyaanay ahayn?”

Ciyaaryahanadda ayaa iyaguna dhexdooda wada-hadalkii ay yeesheen ay kaamirooyinku muujiyeen.

Halkan ka daawo muuqaalka

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More