Muxuu N’Golo Kante Ka Yidhi Inuu U Qalmo Abaal-marinta Xiddiga

N’Golo Kante ayaa iska fogeeyey soo-jeedimaha sheegaya, in isagu uu u qalmo in la guddoonsiiyo abaal-marinta xiddiga adduunka ee N’Golo Kante ee sannadkan, kaddib markii uu kooxdiisa Chelsea la qaaday Champions League iyadoo uu wacdaro ka dhigay ciyaartii u dambaysay ee ay Man City ku garaaceen.

N’Golo Kante ayaa ahaa xiddigii ugu wanaagsanaa kulamadii semi-finalka ee ay Real Madrid kusoo garaaceen iyo xiddiga ciyaartii finalka ee la guddoonsiiyey abaal-marinta Man of the Match.

Garoonka Estadio do Dragao ayaa ahaa mid uu ku raaxaysanayay Kante oo sida uu doono ka yeelatayay khadka dhexe, waxaana layaab ahayd in xalay uu ku guuleystay 11 jeer oo kubbado sare uu ku dagaallamay iyadoo uu dherer ahaan aad u gaaban yahay.

Xiddigan reer France ayaa ka mid ahaa ciyaaryahannada ugu wanaagsanaa Chelsea xilli ciyaareedka oo dhan, waxaana xilli horeba uu kusoo baxay laacibiinta loo saadaalinayo in ay ku guuleysan doonaan abaal-marinta Ballon d’Or ee sannadkan.

Laakiin Kante ayaa hoos u dhigay dooddaas, waxaana uu sheegay, in abaal-marinnada shaqsiga ah ay ka muhiimsan tahay in kooxdiisu guulo gaadho.

Warbaahinta RMC Sport ayaa waraysi ka qaadday kaddib guushii Champions League ee xalay, waxaana marka hore uu ka hadlay guusha kooxdiisa ee koobkan, isagoo yidhi: “Waa guul cajiib ah. Waa natiijo ka dhalatay dedaal badan, kaddib xilli ciyaareed dhibaatooyin badani jireen.”

Intaas kaddib ayaa N’Golo Kante la weydiiyey abaal-marinta xiddigii garoonka ee la siiyey, waxaanu ku jawaabay: “In aad ku guuleysato xiddiga garoonku maaha daruuri. Arrinta ugu weyni waa shaqada guud ahaan kooxda. Waa se sharaf iyo farxad {Xiddiga garoonka}. Waxa aanu u dagaallanay in aanu usoo baxno finalka. Maanta {shalay), waanu dhibaatoonay waxaanu se helnay abaal-marin.”

Mar la weydiiyey in uu noqon karayo xiddiga adduunka ee sannadkan ee la guddoonsiinayo abaal-marinta Ballon d’Or, waxa uu Kante ku jawaabay: “Maya, waqtigan waxa aan kaliya mudnaanta siinayaa Champions League iyo tartanka qaramada Yurub ee dhowaanta bilaabmaya. Waxa aan ku biiri doonaa xulka qaranka France oo aan rajaynayo in aan sidoo kale la guuleysto.”