Chelsea Oo Wada-hadallo La Furtay Erling Haaland & Xeeladda Ay Kaga

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa wada-hadallo la bilowday weeraryahanka reer Norway ee Erling Braut Haaland oo Borussia Dortmund ay ku xidhay £170 milyan oo Gini.

Dortmund ayaa caddaysay in aanay xagaagan iibin doonin weeraryahankan, laakiin Haaland ayaa lagu soo warramayaa in hammigiisu yahay in uu ka tago kooxdaas oo uu tallaabo hore u qaado, si uu ugu guuleysan karo koobabka waaweyn ee Yurub.

Tababaraha reer Germany ee Thomas Tuchel ayaa bartilmaameedka koowaad ka dhigtay Haaland oo uu doonayo inuu hoggaamiyo afka hore ee  kooxda, si ay u helaan dhaliye dabiici ah, laakiin dhibaatada jirta ayaa waxay tahay, in ay adag tahay inay bixiso £170 milyan oo Gini oo Dortmund ay ku xidhay kooxaha danaynaya saxeexa laacibkan.

Chelsea ayaa uu warku sheegay inay ciyaarayso xeelad kale oo ay kaga baxsanayso lacagta waallida ah ee  ku xidhan saxeexa Haaland, waxaanay qorshaynaysaa in Borussia Dortmund ay u bandhigto weeraryahanka reer England ee Tammy Abraham oo lagu qiimeeyo £40 milyan oo Gini.

Marina Granovskaia oo ah agaasimaha Chelsea iyo mulkiile Roman Abramovich ayaa rumaysan in kooxdoodu ay u baahan tahay weeraryahan dhexe oo dhaliye dabiici ah, kaas oo haddii ay helaan ay horyaalka Premier League kula tartami karaan Manchester City oo dhibco badan ka sarreysay xilli ciyaareedyadii u dambeeyey.

Chelsea ayaa hore loola xidhiidhinayay Romelu Lukaku, laakiin toddobaadkii hore ayay ka quusteen kaddib markii uu laacibkani sheegay in uu sii joogayo Inter Milan, halka Harry Kane uu u yahay in dookh kale oo ay Man City iyo Man United kula tartami doonaan haddii ay waayaan Erling Haaland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More