Hazard, Salah, Kane: Akhriso Ciyaaryahannadii Kusoo Guuleystay

Kevin de Bruyne ayaa markii labaad oo xidhiidh ah hantiyey abaal-marinta xiddiga ugu fiican gudaha Ingiriiska ee PFA, kaddib markii uu kooxdiisa ka caawiyey inay xilli ciyaareedkii dhamaaday ku guuleysato Premier League iyo Carabao Cup, isla markaana ay yimaaddeen semi-finalka FA Cup iyo Finalka Champions League oo labadaba ay ku reebtay Chelsea.

Kubbad-sameeyahan reer Belgium ayaa  ku biiray liiska ciiyaartoyda laba mar oo isku xiga ku guuleystay PFA, taas oo ay kaliya Cristiano Ronaldo iyo Thierry Henry hore usoo hanteen iyo sidoo kale ciyaartoygii lixaad oo wax ka badan hal mar la guddoonsiiyo abaal-marinta.

Go’aanka xiddiga sannadka ee Ingiriiska loogu doortay Kevin de Bruyne ma ahayn mid khilaaf ka maqan yahay, si la mid ah sannadihii hore, waxaanay taageereyaashu dood ka keeneen in De Bruyne la siiyo abaal-marinta iyagoo ay joogaan Ruben Dias iyo Harry Kane oo ay rumaysnaayeen in ay ka waxqabad badnaayeen.

Dias oo difaaca uga ciyaara Man City ayaa hore loo guddoonsiiyey abaal-marinta ciyaartoyga sannadka ee Premier League iyo xiddiga sannadka ee FWA (Abaal-marinta ay bixiyaan ururka qoreyaasha kubadda cagta).

Kane ayaa isaguna dhaliyey 23 gool oo horyaalka Premier League ah iyo 14 gool oo uu caawiye ka  noqday, waxaana uu ku guuleystay kabta dahabka ah iyo kubbad-sameeyihii ugu wanaagsanaa xilli ciyaareedkii 2020/21, waana sababta ay taageereyaashu u rumaysan yihiin in uu u qalmayay.

Haddaba, waa kuwee ciyaaryahannada kusoo guuleystay abaal-marinta xiddiga sannadka ee PFA laga soo bilaabo 2010?

Warbixintan waxa aanu idiinku soo gudbinaynaa xiddigihii kusoo guuleystay abaal-marinta PFA laga soo bilaabo 2010 iyo qiimaynta xiddigga sannadkaas oo dhibco ahaan ah.

2009/10: Didier Drogba (Chelsea) – 8.32

Ku Guuleystayaha PFA: Wayne Rooney (Manchester United)

2010/11: Nani (Manchester United) – 7.71

Ku Guuleystayaha PFA: Gareth Bale (Tottenham Hotspur)

2011/12: Robin van Persie (Arsenal) – 7.80

Ku Guuleystayaha PFA: Robin van Persie (Arsenal)

2012/13: Gareth Bale (Tottenham Hotspur) – 7.92

Ku Guuleystayaha PFA: Gareth Bale (Tottenham Hotspur)

2013/14: Luis Suarez (Liverpool) – 8.43

Ku Guuleystayaha PFA:  Luis Suarez (Liverpool)

2014/15: Eden Hazard (Chelsea) – 7.96

Ku Guuleystayaha PFA: Eden Hazard (Chelsea)

2015/16: Riyad Mahrez (Leicester City) – 7.84

Ku Guuleystayaha PFA: Riyad Mahrez (Leicester City)

2016/17: Eden Hazard (Chelsea) – 7.81

Ku Guuleystayaha PFA: N’Golo Kante (Chelsea)

2017/18: Sergio Aguero (Manchester City) – 7.81

Ku Guuleystayaha PFA: Mohamed Salah (Liverpool)

2018/19: Eden Hazard (Chelsea) – 7.81

Ku Guuleystayaha PFA: Virgil van Dijk (Liverpool)

2019/20: Kevin De Bruyne (Manchester City) – 7.97

Ku Guuleystayaha PFA: Kevin De Bruyne (Manchester City)

2020/21: Harry Kane (Tottenham Hotspur) – 7.79

Ku Guuleystayaha PFA: Kevin De Bruyne (Manchester City)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More