Tababaraha Xulka Belgium Oo Ka Dayriyey Xaaladda Eden Hazard
Eden Hazard ayaa ciyaaray 10 daqiiqadood oo kaliya kulankii u dambeeyey ee saaxiibtinimo ee xulka qaranka Belgium iskugu diyaarinayay tartanka qaramada Yurub ee Jimcaha bilaabmaya, laakiin tababare Roberto Martinez ayaa shaki geliyey xaaladda taam ahaansho ee laacibkan.
Hazard ayaa xilli ciyaareedkii tegay waxa uu inta badan dhaawac kaga maqnaa Real Madrid iyadoo muddadii koobnayd ee uu taamka ahaana uu ciyaar liidata la imanayay, taas oo ka dhigan in Los Blancos ay illaa hadda ka sugayso wixii ay lacagta badan uga soo bixiday.
Axaddii ayuu xulka qaranka Belgium kulan saaxiibtinimo la ciyaaray Croatia waxaanay ku badiyeen 1-0, laakiin Hazard ayaa soo galay daqiiqaddii 82aad, iyadoo kulankanna ahaa markii u horreysay ee uu waddankiisa u safto tan iyo November 2019.
Roberto Martinez oo hore kalsooni buuxda ugu muujiyey Hazard, ayaa waxa uu hadda sheegay in ay adag tahay, in la xaqiijiyo waqtiga uu Hazard si buuxda diyaar ugu noqonayo ciyaaraha.
Martinez oo ka hadlayay shir jaraa’id ayaa yidhi: “Yoolka Hazard waa in uu garoomada ku jiro. {10kii daqiiqadood ee uu Axaddii ciyaaray} waxay ahayd tallaabo cilmi-nafsi ah. Daqiiqadu macno ma lahayn, laakiin wuxuu hadda heli doonaa intii in ka badan. Tallaabada xiga waxay noqonaysaa tababarka, waa in uu tallaabadaa hore u qaado khatar la’aan iyo si badqab ah.
“Way adag tahay in la sheego waqtiga uu diyaarka noqonayo, waxay ku xidhan tahay waxyaabo badan. Caafimaad ahaan hadda waa taam. Waxa aan doonayaa inaan arko Eden Hazard oo faraxsan oo wajigiisa qosol ka muuqdo iyo inuu sameeyo isbeddel.”