AKHRISO: Kulamadii Ugu Naxdinta Badnaa Ee Tartanka EURO Ee
Lixdan sannadood iyo dheeraad lasoo ciyaarayay tartanka qaramada Yurub ee Euro, waxa looga soo joogay dhacdooyin badan oo taageereyaasha lama filaan ku noqday, kuwaas oo natiijooyinka ay kusoo dhamaadeen ay wadne gariir ku rideen dalalkii is-bidayay inay durdurada ku guuleysan doonaan.
Laga soo bilaabo Denmark iyo Greece illaa Iceland, waxa uu tartanka qaramada Yurub ahaa mid dalal la liidayay oo awooddoodu hoosayso ay si lama filaan ah wacdaro uga dhigaan, uguna guuleystaan tartankan.
Tartankii ugu dambeeyey ee Euro 2016 ayaa ahaa midkii ugu layaabka badnaa taariikhda, sababtoo ah, waxa la diiwaangeliyey natiijooyin lama filaan ah oo aan marnaba meesha lasoo dhiganin. 29 boqolkiiba kulamadii tartanka ee sannadkaas, waxa guuleystay waddamadii awoodda yaraa, waxaana ku jiray kuwaas Portugal oo ciyaartii u dambaysay ee finalkii koobka ka qaadday France oo tartanka martigeliyey.
Saddex maalmood ka hor bilowga tartanka Euro 2020 ee ay ahayd in sannadkii hore la qabto, BBC Spors ayaa raad-raac ku samaysay natiijooyinka kulamadii ugu layaabka iyo naxdinta badnaa ee kasoo dhacay tartankan, waxaanay kasoo xushay tobankii ugu sii darnaa. Kaddib waxay u bandhigtay akhristeyaasha kubadda cagta oo iyaguna cod u qaaday, waxaana natiijadii ugu yaabka badnayd ay noqotay kulankii England iyo Iceland ee sannadkii 2016 oo Iceland ay ku garaacday Ingiriiska.
Iceland oo saadaasha ay kulankaas ugu guuleysan karaysay lagu tilmaamay 17.5% ayaa waxay Ingiriiska kaga badisay 2-1.
Halkan kaga bogo natiijooyinka kulamadii ugu yaabka badnaa iyo fursadda boqollayda ah ee dalka guuleystay uu ka haystay saadaasha:
10. England 0-1 Yugoslavia – Euro 1968 semi-final (21.9% fursaddii guusha)
9. West Germany 0-1 Spain – Euro 1984 wareegga group-yada (21.7% fursaddii guusha)
8. Portugal 1-2 Greece – Euro 2004 wareegga group-yada (21.4% fursaddii guusha)
7. Ukraine 0-2 Northern Ireland – Euro 2016 wareegga group-yada (21.3% fursaddii guusha)
6. CIS 0-3 Scotland – Euro 1992 wareegga group-yada (21.2% fursaddii guusha)
5. Netherlands 0-1 Denmark – Euro 2012 wareegga group-yada (19.9% fursaddii guusha)
4. Belgium 0-2 Turkey – Euro 2000 wareegga group-yada (19.7% fursaddii guusha)
3. Belgium 1-3 Wales – Euro 2016 wareegga siddeeda (19.6% fursaddii guusha)
2. France 0-1 Greece – Euro 2004 wareegga siddeeda (19.1% fursaddii guusha)
1. England 1-2 Iceland – Euro 2016 wareegga 16-ka (17.4% fursaddii guusha)