Iska Illow Mbappe & Haaland, Xiddigaha Ugu Qaalisan Suuqa Waqtigan Oo
Afar xiddig oo ka tirsan xulka qaranka England ayaa ka mid noqday liiska tobanka ciyaartoy ee ugu qiimaha sarreeya waqtigan suuuqyada kubadda cagta.
Laacibka da’da yar ee Manchester City ee Phil Foden oo qaatay xilli ciyaareed cajiib ah, ayaa noqday ciyaartoyga ugu qiimaha badan waqtigan ee kubadda cagta ciyaara, waxaana uu boodhka ku qasay laacibiinta aadka loo hadal-hayo ee Erling Haaland iyo Kylian Mbappe.
Foden ayaa xilli ciyaareedkii hore ee 2020-21, waxa uu Manchester Ctiy ka caawiyey in ay ku guuleysato horyaalka Premier League iyo Carabao Cup, halka Finalkii Champions League ay Chelsea kaga guuleysatay.
21 Jirkan ayaa dhaliyey 16 gool iyo toban caawimood oo uu ku daray 50 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu saftay xilli ciyaareedkii tegay, waxaana toddobaadkan la guddoonsiiyey abaal-marinta xiddiga ugu wanaagsanaa da’yarta Premier League iyo xiddiga ugu wanaagsanaa guud ahaan Ingiriiska ee da’yarta ee abaal-marinta PFA.
Shabakadda qiimaynta iyo daraasaynta suuqyada ciyaartoyda kubadda cagta ee CIES Footbalol Observatory ayaa soo saartay qiimayntii ugu dambaysay ee ciyaartoyda ugu qiimaha sarreeya suuqyada, waxaana kaalinta koowaad galay Foden oo qiimihiisu marayo £163 milyan oo Gini.
Phil Foden ayuu heshiiskiisa Manchester City ka hadhsan yahay saddex sannadood, waxaanu Pep Guardiola ka shaqaynayaa in uu mar kale ka saxeexo heshiis kale.
Kaalinta labaad ee ciyaartoyga ugu qaalisan waxa soo galay da’yarka Manchester United ee Mason Greenwood oo qiimihiisu marayo £153 milyan oo Gini, waxaanu £10 milyan oo Gini ka dambeeyaa Foden. Greenwood oo 21 jir ah ayaa xilli ciyaareedkii hore dhaliyey 12 gool 52 kulan oo uu saftay.
Marcus Rashford ayaa saddexaad soo galay, waxaanu qiimihiisu marayaa £136 milyan oo Gini, halka Erling Haaland oo afraad soo galay uu isaguna marayo £133 milyan oo Gini iyo Bruno Fernandes oo shanaad ku jira oo £132 milyan oo Gini ka maraya suuqyada.
Kylian Mbappe ayaa hoos u dhac weyni ku yimid qiimaha uu ka taagan yahay suuqyada, waxaana uu kaliya marayaa £101 milyan oo Gini, waxaanu ka baxsan yahay tobanka sare, isagoo ku jira kaalinta 12aad.
Halkan kaga bogo tobanka xiddig ee ugu qiimaha sarreeya dunida waqtigan: