Pep Oo Doortay Saxeexiisa U Horreeya, United Oo Qarka U Saaran Sancho,

Tababarraha Manchester Ctiy ee Pep Guardiola ayaa doonaya in uu lasoo saxeexdo laacibka khadka dhexe uga ciyaara Aston Villa iyo xulka qaranka England ee Jack Grealish oo 25 jir ah, xagaagan. (ESPN)

Tottenham waxay dalbatay ugu yaraan £150 milyan oo Gini oo kaash naqad ah, taas oo ay tahay inay bixiso kooxda doonaysa weeraryahanka reer England ee Harry Kane oo guddoomiye Daniel Levy uu u ogolaanayo inuu iska tago haddii lacagtan la bixiyo. (Sun)

Manchester United ayaa qarka u saaran saxeexa Jadon Sancho oo Borussia Dortmund u ciyaara, kaddib markii qiimaha 21 jirkani hoos ugu soo dhacay £81 milyan oo Gini oo lagu darayo lacago kale oo ku xidhan bandhiggiisa. (Times)

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo oo 36 jir ah, ayaa raadsanaya kooxo kale oo uu u ciyaaro, xilli ay Juventus ka wada-hadlayaan mustaqbalkiisa. (ESPN)

Haddii Ronaldo uu ka tago Juventus, weeraryahanka Man City iyo xulka Brazil ee Gabriel Jesus ayaa noqonaya bartilmaameedka koowaad ee Juventus. Sidoo kale waxay Juve doonaysaa weeraryahanka reer Serbia ee Dusan Vlahovic oo ah 21 jir u ciyaara Fiorentina iyo 28 jirka reer Argentina ee Mauro Icardi oo PSG u ciyaara. (Gazzetta dello Sport)

Chelsea waxay wada-hadallo la furtay Borussia Dortmund oo ay ka doonayso weeraryahanka reer Norway ee Erling Haaland oo qiimihiisa lagu sheegay £170 milyan oo Gini. Blues ayaa doonaysa in Dortmund ay iskugu darto Tammy Abraham oo 23 jir ah iyo lacag kaash ah. (Mail)

Everton ayaa waraysi ka qaadday tababarihii hore ee Wolves ee Nuno Espirito Santo oo 47 jir ah, kaas oo ay doonayso inuu u beddelo Carlo Ancelotti oo iska casilay, dibna ugu laabtay Real Madrid. (Football Insider)

Brighton ayaa go’aamisay qiimaha ay ku iibinayso difaaca reer England ee Ben White oo ay doonayaan kooxaha Manchester United, Arsenal iyo Liverpool. 23 jirkan ayay kooxdiisu ku xidhan £50 milyan oo Gini. (Mail)

Leicester City waxay heshiis £15 milyan oo Gini ah la gaadhay Celtic oo ay kala wareegayso weeraryahanka reer France ee Odsonne Edouard oo 23 jir ah. (Sun)

Atalanta ayaa shaacisay qiimaha difaaceeda Cristian Romero. 23 jirkan reer Argentina oo ay doonayso Manchester United ayaa waxay Atalanta go’aamisay £52 milyan oo Gini. (Tuttosport)

Paris St-Germain ayaa qarka u saaran saxeexa goolhayihii AC Milan iyo xulka Talyaaniga ee Gianluigi Donnarumma oo 22 jir ah. Si xor ah ayay ula wareegaysaa. (Sky Italia)

Juventus waxay heshiis rasmi ah u beddelaysaa amaahdii ay ku haysatay weeraryahanka reer Spain ee Alvaro Moratta oo Atletico Madrid ay kasoo qaadatay. (Calciomercato)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More