Goolhayeyaasha ayaa xor u ahaa inay gacanta ku qabsan karaan kubbadaha ciyaartoydiisu usoo laadaan, waxaana ka dhalan jirtay waqti lumis badan, cadho iyo xataa taageereyaasha iyo daawadeyaasha kale oo dhibsan jiray.Tartankii qaramada Yurub ee Euro 92, waxa uu ahaa midka cadhada ugu badan ka abuurantay, gaar ahaan kulamadii semi-finalka iyo Finalka.Xulka qaranka Denmark ayaa tartankan ku guuleystay, laakiin sida ay ku qaadeen ayaa ahayd mid madax-xanuun badan reebtay oo dadkii waqtigaas daawanayay aanay illaa hadda illoobin…