AKHRISO: Sharci Aanad Ogeyn Oo Christian Eriksen Ka Mamnuucaya
Christian Eriksen way uga dhamaatay kubadda cagta xataa haddii uu bogsado oo uu taam ka noqdo wadne xanuun si degdeg ah ugu soo booday xalay, laakiin nasiib wanaag uu ka badbaaday dhimasho uu qarka u saarnaa.
Laacibkan ayaan mar dambe u ciyaari doonin Inter Milan iyo kooxaha ka dhisan Talyaaniga intaba, sababtoo ah, waxa jira sharci ka mamnuucaya inuu mar dambe kusoo laabto garoomada ciyaartoy la xaqiijiyey inuu wadnuhu shaqada joojiyey daqiiqado laakiin cimrigiisu aanu dhamaanin oo badbaaday.
29 jirkan khadka dhexe ayaa garoonka dhexdiisa ku dhacay dhamaadka qaybta hore ee kulankii Denmark iyo Finland, waxaana wararka hordhaca ahi ay sheegayaan in dhibaatadiisu ahayd wadnaha oo muddo ‘SHAN DAQIIQADOOD AH’ shaqada joojiyey.
Dr Scott Muray oo ah khabiir xanuunnada wacnaha ah, isla markaana ka ka tirsan hay’adda caafimaadka Ingiriiska ee NHS, ayaa waxa uu si gaar ah aqoon ugu leeyahay sida looga hortago dhibaatooyinka wadnaha.
Murray oo waraysi siiyey wargeyska Daily Mail, ayaa sharraxay xanuunka asiibay Christian Eriksen, waxaana uu shaaciyey, in laacibkan ay uga dhamaatay waddanka Talyaaniga oo aanu ka ciyaari doonin xataa haddii uu taam noqdo.
“Waxa laga yaabaa inay u dhamaatay xirfaddisii kubadda cagta. Talyaanigu waxay ka joojiyaan dadka ka qayb-galka ciyaaraha haddii lagu ogaado in dhibaato dhinaca wadnaha ahi jirto. Waxaana sidaa qoraya sharcigooda.” Ayuu yidhi Dr Scott Murray.
Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu Dr Scott Murray intaa raaciyey: “Muddo dheer ayay Talyaanigu sidan samaynayeen, way ka badan tahay 20 sannadood, waxaanay ayreeyeen heerka dhimashada ee ciyaartoyda ee wadnuhu istaagayo saddex boqolkiiba illaa hal boqolkiiba.”
Isla xalayba, Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Denmark iyo wakiilka laacibkan ee Michael Schoots ayaa shaaciyey in uu Eriksen bilaabay inuu neefsado, sidoo kalena uu hadlayo, balse lagu samaynayo tijaabooyin caafimaad oo dheeraad ah.
Laakiin xataa haddii uu taam noqdo, Dr Scott Murray ayaa rumaysan in loo baahan yahay xaqiijin la xidhiidha wixii sababay in uu laacibkani koomada galo, waxaanu yidhi: “Eriksen wuxuu ka yimid koox Talyaani ah, sidaa darteed waxa qasab ah in lagu sameeyo dhamaan baadhitaannada ka hor inta aanu dib u bilaabin ciyaaraha. Talyaanigu waa kuwa ugu wanaagsan baadhitaanka xanuunnada wadnaha ee ciyaartoyda tartamaysa.
“Talyaanigu iyaga ayaa ugu wanaagsan shaybaadhkan dunida oo dhan, waxaanay ku yareeyeen dhacdooyinak noocan ah, laakiin haddana waxay arrintani ka dhacday garoonka. Sidaa darteed, haddii aad baadho, wali way dhici karaysaa (xanuunkan).”
Eriksen ayaa waajahaya hubtanti la’aan mustaqbalkiisa ciyaareed ah, Dr Scott Murray na waxa uu sheegay, in 29 jirkan looga baahan yahay in baadhitaannadiisa dhabta ahi ay kasoo bilowdaan cusbitaalka xalay la dhigay ee magaalada Copenhagen ku yaalla ee Rigshospitalet oo loola cararay markii garoonka laga dhex-qaaday.
Dr Scott Murray waxa kale oo uu xusay in loo baahan yahay, in isla cusbitaalkan lagaga jawaabo dhamaan su’aalaha la xidhiidha shildan dhacay iyo waxyaabaha keenay, kuwaasina ay noqon doonaan jawaabaha laga duuli doono ee mustaqbalka Eriksen go’aaminaya.