Maaha Mbappe & Griezmann! Timo Werner Oo Magacaabay Xiddiga Ay Ka

Weeraryahanka xulka qaranka Germany iyo kooxda Chelsea ee Timo Werner ayaa sharraxaad ka bixiyey sababta ay uga baqayaan xulka qaranka France oo ay Salaasada wada ciyaari doonaan kulankooda tartanka qaramada Yurub ee Euro.

Faransiiska ayaa ka mid ah waddamada loo saadaalinayo koobka, waxaanay ka xooggan yihiin weerarka oo ay u joogaan Antoine Griezmann iyo Klian Mbappe. Sidoo kale khadka dhexe ayay ku haystaan ciyaartooyo heersare ah sida N’Golo Kante iyo Pogba.

Group F oo ay ku wada jiraan Germany, France, Portugal iyo Hungry ayaa ah kan ugu adag tartanka qaramada Yurub, waxaase suurtogal ah in saddex waddan ay kasoo wada baxaan, sababtoo ah 12ka dal ee kasoo baxa lixda hormo ayaa lagu dari doonaa afar dal oo kaalmaha saddexaad ka galay Group-yada, si 16 waddan loo helo wareegga xiga.

Si kastaba, xulka qaranka Germany ayaa cabsi badan kasii dareemaya kulanka Faransiiska, waxaana sidaas xaqiijiyey Timo Werner oo si gaar ah u magacaabay laacibka cabsida ku abuuray.

Werner waxa uu sheegay in weeraryahanka Real Madrid ee Karim Benzema uu yahay kan ugu wanaagsan dunida waqtigan ee ay waajahayaan, isla markaana ay dareemayaan khatartiisa, waxaanu yidhi: “Waxa xaqiiqo ah in Faransiisku aanu kasii darin! Benzema waxa uu ka mid yahay 9-lada ugu wanaagsan dunida. Saddexdooda Benzema-Griezmann-Mbappe haddii ay sidaa u wada ciyaaraan, dabcan waa khatar weyn iyo heer-caalami.”

Werner oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Dabcan waa inaad wax ka barato weeraryahan sida Benzema oo kale ah. Sababtu waa guulaha badan ee uu gaadhay iyo sidoo kale tayadiisa. Aniga ahaan, waa ciyaartoy cajiib ku ah kubadda, sida uu goysmada u sameeyo, sida uu u dhaqaaqo iyo qaabka uu goolasha u dhaliyo.”

Weeraryahanka reer Germany waxa kale oo uu tilmaamay ciyaartoy ay isku qaab ciyaareed yihiin Karim Benzema, waxaanu yidhi: “Waa sida Roberto Firmino-ha Liverpool oo kale, kubadda waqti hore ayuu qabsadaa, wuu qaybiyaa, walibana si degdeg badan oo tayo leh ayuu usoo galaa xerada ganaaxa. Marka lagu daro Lewandwoski iyo Ronaldo, waa saddexda weerarka dhexe ee ugu wanaagsan.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More