Maaha Sancho & Kane & Rashford: Peter Crouch Oo Magacaabay Labada

Xulka qaranka England ee ka qayb-gelaya tartanka qaramada Yurub ee Euro ayay ku jiraan xiddigo badan oo horyaalka Premier League iyo meelaha kale ee ay ka ciyaaraan ba wacdaro ka dhiga, kuwaas oo iskugu jira da’yar iyo waayo arag.

England ayaa maanta la ciyaari doonta Croatia kulankooda ugu horreeya ee tartanka qaramada Yurub, waxaana qiimayntooda dhabta ahi ay ka bilaabmi doontaa bandhiggooda maanta.

Tababare Gareth Southgate ayaa soo xushay 26 ciyaartoy oo koox xooggan ah, waxaana laga doonayaa in tababaruhu uu sida ugu habboon uga xusho 11ka ciyaartoy ee uu kusoo bilaabayo kulanka.

Halyeygii England ee Peter Crouch oo warbaahinta la hadlay ayaa laba ciyaartoy oo wacdaro dhigi doona kala soo baxay 26ka xiddig ee Ingiriiska, mana aha kuwa aad filayso ee Harry Kane, Marcus Rashford iyo Jadon Sancho.

Crouch ayaa tilmaamay in da’yarka England ee Jude Bellingham oo 17 jir ah uu wacdaro ka dhigi doono tartanka, isla markaana uu noqon doono mid dunida isku bara.

Laacibkan oo ka tirsan kooxda Borussia Dortmund oo isagoo 16 jir ah ka iibsatay Birmingham ayaa waxa uu Crouch rumaysan yahay inuu noqonayo xiddig xulka qarankiisa ka caawiya inay ku guuleysan karaan tartanka qaramada Yurub.

Ciyaartoyga labaad ee uu Peter Crouch tilmaamay ayaa ah Jack Grealish oo kulamadii saaxiibtinimo ee England ay iskugu diyaarinaysay qaramada Yurub wacdaro kasoo dhigay, waxaanu barbar-dhigay halyeygii England ee Paul Gascoigne ‘Gazza’.

Tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa isaguna mar uu ka hadlayay Grealish waxa uu barbar-dhigay xiddigii hore ee reer Portugal ee Luis Figo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More