Wararkii U Dambeeyey Suuqa Iibka Ciyaaryahanadda Ee Maanta Oo Axad Ah &

Everton iyo Leeds United ayaa ku tartamaya saxeexa difaaca Real Madrid ee Marcelo. 33 jirkan reer Brazil ayay kooxdiisu doonaysaa inay iibiso xagaagan kaddib markii uu meesha ka saaray inuu qandaraaska kordhiyo. (Mirror)

Bournemouth ayaa isku dayaysa inay la saxeexago halyeygii Arsenal ee Patric Vieira oo ay doonayaan inuu u noqdo tababarahooda cusub. 44 jirkan ayaa waraysi u maray kooxdan bishii February. (Mirror)

Leicester City ayaa kula biirtay Liverpool, Chelsea iyo Tottenham tartanka loogu jiro 22 jirka khadka dhexe uga ciyaara kooxda RB Salzburg ee Patson Daka oo u dhashay waddanka Zambia. (Express)

Tottenham iyo Fiorentina waxay ku tartamanayaan 23 jirka weerarka uga ciyaara Stuttgart ee Nico Gonzalez. Fiorentina ayaa mar horeba dalab £21.5 milyan oo Gini ah ka gudbisay laacibkan. (Sky Italia)

Manchester United waxay ka shaqaynaysaa sidii ay Borussia Dortmund ula gaadhi lahaayeen heshiis, kaddib markii laga soo diiday dalabkoodii hore, iyadoo kooxda reer Germany ay dalbatay £77.5 milyan oo Gini oo ahayd in ka badan £10 milyan dalabka ay gudbisay United. (Times)

Arsenal ayaa xidhiidh la samaysay Manchester United, waxaanay ka doonaysaa laacibka khadka dhexe ee Donny van de Beek oo 24 jir ah. Laacibkan ayaa xilli ciyaareedkii tegay ku dhamaystay kaydka. (90 min)

Atletico Madrid ayaa goysay qiimaha ay ku iibinayso difaaca midig ee reer England ee Kieran Trippier oo ay doonayso Manchester United. 30 jirkan ayay Atletico heshiiskiisa ku xidhay £30 milyan oo Gini. (Mirror)

Tababaraha Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa suuqa dhigay weeraryahanka reer France ee Anthony Martial oo 25 jir ah, sababtoo ah waxa uu saluugsan yahay qaabka uu laacibkani u ciyaaro. Real Madrid ayaa lala xidhiidhinayaa inay la saxeexan doonto laacibkan. (Express)

Weeraryahanka reer Belgium ee Romelu Lukaku ayaa hoos u dhigay suurtogalnimada inuu xagaagan dib ugu noqonayo Chelsea, waxaanu xusay inuu ku faraxsan yahay Inter Milan. (Mail)

Manchester City waxay isku dayaysaa inay lasoo saxeexato difaaca bidix ee reer Portugal ee Nuno Mendes oo u ciyaara Sporting Lisbon, waxaase ku haysata Real Madrid. (Mirror)

Barcelona ayaa u sheegtay weeraryahanka reer France ee Ousmane Dembele inuu iska tago, kaddib markii uu iska diiday inuu saxeexo heshiis cusub. (ESPN)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More