Marcelo Oo Kusii Jeeda Premier League & Labada Kooxood Ee Ku

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa go’aansatay inay iibiso xiddigeeda reer Brazil ee Marcelo, waxaana uu laacibkani usoo xidhxidhay horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League.

Sida uu qoray wargeyska Daily Mirror, Real Madrid ayaa go’aan kama dambays ah ka qaadatay Marcelo inkasta oo maalin ka hor ay warbaahinta Spain sheegtay inuu sii joogayo Madrid sannadka uga hadhay qandaraaskiisa oo lagu ixtiraamayo.

33 jirkan oo qandaraaska uu kula jiro Los Blancos uu ku egyahay June 2022 oo sannad buuxa innaga xigto, waxa la rumaysan yahay in labada dhinac ba aanay diyaar u ahayn in qandaraaskiisa la kordhiyo.

Carlo Ancelotti oo dhowaan loo magacaabay tababaraha Real Madrid ayaa la filayay inuu beddelo xaaladda laacibkan oo ku dhibaatooday Santiago Bernabeu sannadkii ugu dambeeyey ee Zinedine Zidane oo uu kaydka ku jiray.

Laakiin xaaladda ayaanay waxbabiska beddelin, waxaana 19kii kulan ee kali ahaa ee uu dheelay ee uu muujiyey qaab ciyaareedka liita iyo afarta gool ee uu dhaliyey ay ugu filnaan waayeen inay wax ka beddelaan xaaladda.

Laacibkan oo Real Madrid kusoo biiray sannadkii 2007, ayaa la qaaday shan horyaalka LaLiga ah, afar Champions League iyo afar FIFA Club World Cup.

Madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez ayaa doonaya in uu haba-yaraato e, lacag ka sameeyo Marcelo halkii uu si bilaash ah ugaga tegi lahaa sannad kaddib, taas darteed ayaanay u iibinayaan.

Labada kooxood ee horyaalka Premier League ee Leeds United iyo Everton ayaa ku tartamaya saxeexa Marcelo, waxaana ku horreysa Toffees oo ahayd kooxdii uu dhowaanta ka tegay Carlo Ancelotti.

Warka ayaa intaa ku daray in xidhiidh dhex maray Everton iyo Marcelo, laakiin uu laacibkani dalbaday ugu yaraan laba sannadood oo qandaraas ah iyo mushahar gaadhaya £5 milyan oo Gini.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More