MURUGO: Christian Eriksen Maanta Ayuu Dhintay

Xiddigii reer Denmark ee xalay garoonka dhexdiisa koomada ku galay ee waqtiga badan noloshiisa lala tacaalayay ee Christian Eriksen, dib dambe garoomada uguma arki doontid, waxaana war murugo leh kasoo saaray dhakhtarka caanka ah ee Sanjay Sharma.

Eriksen ayaa qaybta hore oo afar daqiiqadood ka dhinnayd kulankii Denmark iyo Finland garoonka dhexdiisa ku dhacay, waxaana muddo 15 daqiiqadood ku dhow gargaar degdeg ah u fidinayay dhakhaatiirta oo ku xidhay mishiinka neefsiga, waxaana loola cararay cusbitaal iyadoo uu koomo ku jiro.

Laacibkan ayaa kasoo baxay koomada markii la geeyey cusbitaalka waxaanu la hadlay ciyaartoyda waddankiisa oo uu u xaqiijiyey inuu nool yahay, xaaladdiisuna fiican tahay, taas oo keentay in dib loo bilaabo ciyaartii oo taagnayd ku dhowaad laba saacadood.

Habeen murugo badan ayay u ahayd kubadda cagta oo dhan, waxaana isweydaaranayey farriimaha loogu ducaynayo Christian Eriksen iyadoo taageereyaashuna garoonka dhexdiisa ku sugnaayeen in muddo ah iyagoo ku heesaya magaciisa.

Ciyaaryahanadda Denmark iyo Finland ayaa oohin garoonka dhexdiisa la fadhiistay, waxaanay xaaladdu ahayd mid adag oo kaamirooyinka laga qariyey xaaladda laacibkan ee geerida iyo nolosha u dhaxaysay.

29 jirkan ayay xaaladdiisu degtay markii cusbitaalka la geeyey, laakiin sida uu xaqiijiyey Professor Sanjay Sharma oo ah dhakhtar takhasus ku ah xanuunnada wadnaha, kana tirsan jaamacadda London ee St George’s University, Christian Eriksen xalay ayuu geeriyooday.

Sharma oo lasoo shaqeeyey Eriksen waqtigii uu joogay Tottenham, ayaa xaqiijiyey, in dhinaca kubadda cagta uu Christian Eriksen ka geeriyooday xalay, dib dambena aan loogu arki doonin garoomada.

Waxa uu Sharma intaa ku daray, in Eriksen uu wadne xanuun kusoo booday, halis weyna uu galay, isla markaana aanu mar dambe ciyaari doonin, isagoo adeegsaday kelmadda ah: “Eriksen maanta ayuu dhintay”, taas oo uu ula jeedo in aanu mar dambe kubadda cagta ciyaari doonin.

Dhakhatarka xulka qaranka Denmark ee Morten Boesen ayaa isaguna xaqiijiyey in wadne xanuun kusoo booday Eriksen laakiin nasiib wanaag uu badbaaday, balse ma xaqiijin in uu ciyaaraha sidaas kaga fadhiisanayo.

Laakiin Sharma oo ah guddoomiyaha FA ee kooxda khubarada ee dhinaca wadnaha, waxa uu yidhi: “Xaqiiqadu waxay tahay inuu deggan yahay oo uu koomadii kasoo baxay, waxaanu u muuqdaa inuu aad u wanaagsan yahay.

“Laakiin ma garanayo inuu mar dambe ciyaari doono kubadda cagta. Haddii aan qalabka neefsiga lagu xidhi lahayn, Eriksen maanta ayuu geeriyooday, haddii daqiiqado yar laga daahi lahaa. Haddii loo ogolaado inuu ciyaarana mar kale ayuu dhiman doonaa.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More