Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Washington iyo Denmark ay gaareen heshiis siinaya Mareykanka “xakameyn joogto ah” oo ku saabsan amniga Greenland, isla markaana ka hortagaya Ruushka iyo Shiinaha inay saldhigyo ka samaystaan dhulka Arctic-ga.
Tan iyo markii uu ku soo laabtay Aqalka Cad bishii Janaayo 2025, Mr Trump ayaa marar badan ku dooday in Maraykanku ay tahay inuu xakameeyo Greenland sababo istaraatiiji ah awgood.
- Advertisement -
Denmark iyo Greenland, oo ah dhul ismaamul leh oo ay maamusho Copenhagen, ayaa soo dhaweeyay heshiiska, waxayna sheegeen in toddobaadka dambe lagu saxiixi doono hareeraha shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee New York.
“Waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo in Maraykanka uu heshiis la galay Boqortooyada Denmark iyo Greenland, kaas oo siinaya Maraykanka xakameyn joogto ah oo ku saabsan amniga, iyo dhammaan baahiyaha kale, ee Greenland,” ayuu Mr Trump ku qoray shabakaddiisa Truth Social.
Madaxweynaha 80-jirka ah ayaa heshiiska ku tilmaamay mid “aan dhammaad lahayn”, wuxuuna sheegay in Washington ay si degdeg ah u bilaabi doonto ballaarinta joogitaankeeda milatari ee Greenland.
Ra’iisul Wasaaraha Denmark Mette Frederiksen ayaa bayaan ku tiri: “Waxaan ku faraxsanahay inay jirto rajo heshiis wanaagsan oo u dhaxeeya Greenland, Boqortooyada Denmark iyo Maraykanka.”
Ms Frederiksen ayaa heshiiska ku tilmaantay mid “u wanaagsan NATO iyo Yurub”, iyadoo sheegtay inuu xoojin doono amniga guud ahaan Arctic-ga iyo Waqooyiga Badweynta Atlaantik.
Mr Trump ayaa marar badan muujiyay walaac ah in Ruushka iyo Shiinaha ay isku dayi karaan inay saldhig ka helaan Greenland, xilli uu sii xoogeysanayo tartanka ku saabsan dhulka Arctic-ga iyo marinnada istaraatiijiga ah.
“Heshiiskani wuxuu dammaanad qaadayaa in Shiinaha iyo Ruushku aysan saldhig ku yeelan karin Greenland, aysan ciidamo u diri karin Greenland, isla markaana ay jiraan hannaanadii lagama maarmaanka ahaa ee looga hortagayo maalgelinta qaybaha xasaasiga ah,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka.
Ra’iisul Wasaaraha Greenland Jens-Frederik Nielsen ayaa sheegay in heshiiska Washington lala galay uu “xoojin doono” amniga dhulkaas.
Madasha dhaqaale ee Davos bishii Janaayo, Mr Trump ayaa sheegay inuu heshiis la gaaray Xoghayaha Guud ee NATO Mark Rutte oo ku saabsan mustaqbalka Greenland, inkastoo shuruudaha heshiiskaas aan la shaacin.
Mr Trump ma bixin wax sharraxaad ah oo ku saabsan sida heshiiska cusub u shaqayn doono, taas oo aan caddayn inay ku xiran tahay heshiiska NATO ama uu yahay heshiis si weyn uga duwan.
Warbaahin badan ayaa werisay in Washington ay doonayso inay saddex saldhig milatari oo dheeraad ah ka sameysato koonfurta Greenland, marka lagu daro saldhigga Pituffik ee ay hore uga maamusho waqooyiga dhulkaas.
Heshiis difaac oo la saxiixay 1951-kii lana cusboonaysiiyay 2004-tii ayaa hore u oggolaanaya Maraykanka inuu kordhiyo daabulidda ciidamo iyo kaabayaasha milatari ee jasiiradda, haddii uu Denmark iyo Greenland hore ogeysiiyo.