Iceland ayaa u yeeratay safiirka Mareykanka kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu la wadaagay baraha bulshada sawir muujinaya Iceland iyo dalal kale oo dhowr ah oo hoos yaalla calanka Mareykanka, sida ay baahisay warbaahinta Iceland ee RÚV.
Khariidadda ayaa muujinaysay Mareykanka, Kanada, Greenland, Iceland, Mexico, Bartamaha Ameerika iyo Kariibiyaanka oo dhammaantood ku hoos jira hal calan oo Mareykan ah. Dusha dhulkaas la isu geeyayna waxa ku qornaa “United States of America.”
- Advertisement -
Mudane Trump ayaa sawirka ku daabacay akoonkiisa Truth Social, balse wax sharaxaad ah kama bixin.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iceland, Thorgerdur Gunnarsdottir, ayaa u yeertay Billy Long, safiirka Mareykanka ee Iceland, sida uu sheegay RÚV. Mudane Long ayaa si rasmi ah xilka ula wareegay bishii hore oo keliya.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, safaaradaha Mareykanka ee Copenhagen iyo Reykjavik, iyo qunsuliyadda Mareykanka ee Nuuk ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsiyadii faallo laga dalbaday.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iceland sidoo kale kama jawaabin codsi faallo ah.
Sheegashooyinka soo noqnoqday ee Mudane Trump sannadihii u dambeeyay ee ahaa in Mareykanku uu la wareego Greenland, oo ah dhul ismaamul hoose leh kana tirsan Denmark, ayaa xumeeyay xiriirka u dhexeeya Washington iyo Copenhagen. Labada dalba waa xubno aasaasayaal ka ah NATO, khilaafkan ayaana sidoo kale walaac geliyay dowlado badan oo Yurub ah.
Iceland ayaa bishii hore afti lagu qabtay kaga codeysay diidmo in dib loo furo wadaxaajoodyada xubinnimada Midowga Yurub, iyadoo arrintaasi ay ku soo beegantay hammiga Mudane Trump ee Greenland.
Qaar ka mid ah taageerayaasha dib u billaabidda wadaxaajoodyada ayaa tilmaamay walaaca laga qabo isku halleynnaanta Mareykanka, waxayna ku doodeen in xiriir dhow oo lala yeesho Midowga Yurub uu bixin karo amni weyn. Falanqeeyayaal se waxay sheegeen in arrimaha dhaqaale ee gudaha ay ugu dambeyn ahaayeen xoogga ugu weyn ee natiijadaas horseeday.
Qoraalka Mudane Trump ayaa soo baxay wax yar uun kadib markii Guddiga Yurub uu ku dhawaaqay maalgelin dhan €200 milyan ($232.50 milyan) oo lagu sameynayo Greenland, xilli uu booqasho ku joogay madaxweynaha Guddiga, Ursula von der Leyen.
Ra’iisul Wasaaraha Denmark, Mette Frederiksen, oo warbaahinta Danishka ee Ritzau kula hadlaysay Nuuk, ayaa sheegtay in dowladda Greenland iyo shacabka Greenland ay mowqifkooda si cad u muujiyeen.
“Dowladda Greenland iyo shacabka Greenland waxay marar badan oo isdaba joog ah sheegeen inaysan doonayn inay noqdaan Mareykan,” ayay tiri.
“Waxaan rajeynayaa inaan cidina arrintaas wax shaki ah ka qabin, ha ahaato Mareykanka ama inteeda kale ee dunida.”