Baarayaasha ayaa soo helay qalabka diiwaangeliya xogta duulimaadka iyo codadka qolka duuliyeyaasha ee diyaarad xamuul oo Amazon ah, taas oo ka gudubtay dhabaha ay diyaaradaha ku ordaan ee garoonka Miami, ku dhacday laba gaari, islamarkaana sababtay dhimashada shan qof, sida ay mas’uuliyiintu sheegeen.
Mid ka mid ah gawaaridii uu ku dhacay shilka Axaddii ayaa ahaa gaari nadiifin ah oo siday toddoba qof gudaha dhulka garoonka, ayay tiri Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Badbaadada Gaadiidka ee Maraykanka, Jennifer Homendy.
- Advertisement -
Ka dib markii ay ka baxday dhabaha diyaaradaha, diyaaradda Boeing 767 ayaa jebisay xayndaabka wareegga garoonka waxayna ku dhacday SUV maraysay waddo dadweyne ka hor inta aysan jebin xayndaab kale oo kala soocayay garoonka iyo aag ay taagnaayeen robo-taxis, ayay tiri.
Ms Homendy waxay diidday inay bixiso faahfaahin ku saabsan xaaladda labada duuliye ee diyaaradda, balse waxay sheegtay in dhammaan shanta dhimasho ay ka mid ahaayeen dadka saarnaa labada gaari ee uu shilku haleelay.
Ms Homendy waxay goobta ku taalla garoonka ugu mashquulka badan Florida ku tilmaantay “mid aad u naxdin leh” iyadoo baarayaashu bilaabeen inay baaraan burburka, boqolaal duulimaadna dib loo dhigay, kooxaha gurmadkuna ay sii wadeen soo saarista maydadka qaar ka mid ah dhibbanayaasha.
“Waxaan awoodnay inaan soo helno qalabka diiwaangeliya xogta duulimaadka iyo qalabka duuba codadka qolka duuliyeyaasha,” ayay tiri. Labada qalabba waxaa loo qaadayay NTSB si loo falanqeeyo.
“Baaritaanka iyo helitaanka diyaaradda iyo sidoo kale caddeymaha way sugi karaan inta ay socoto hawsha soo kabashada,” ayay tiri Ms Homendy.
“Taasi ayaa ugu muhiimsan, in qoysaska dib loogu mideeyo dadka ay jeclaayeen,” ayay raacisay.
Diyaaraddu waxay ahayd Boeing 767 la sameeyay 1994, waxaana maamuli jirtay shirkadda 21 Air LLC oo xarunteedu tahay Miami, iyadoo heshiis ugu shaqaynaysay Amazon, ayay tiri.
Waxay dhammaynaysay duulimaadkeedii saddexaad ee maalintaas ka dib markii ay ka timid San Juan, Puerto Rico.
Diyaaraddu waxay ku istaagtay qiyaastii 1,300 fiit (400 mitir) meel ka baxsan dhammaadka dhabaha laami ah ee diyaaraduhu ku ordaan, ayay tiri Ms Homendy. Waxay intaas ku dartay inay lug ku martay masaafaddaas oo dhan ee ka baxsan dhabaha diyaaradaha.
“Burbur ayaa meel walba yaalla,” ayay tiri, iyadoo tilmaamaysa shidaal ku daatay goobta iyo sidoo kale shidaal weli ku jira diyaaradda oo ay tahay in laga saaro.
“Gaariga nooca Econoline ah waa kala daadsan yahay,” ayay ka tiri gaarigii ugu horreeyay ee la haleelay.
“Runtii waa inay ahayd arrin aad u ba’an,” ayay raacisay.