XOG URURIN: Kooxaha Premier League Ugu Caansan Oo Lasoo Saaray, Kooxda

Kooxda Manchester United ayaa lagu sheegay inay tahay mida ugu caansan dhammaan kooxaha Premier League sida lagu ogaaday xog ururin laga sameeyay baadhitaanada lagu sameeyo mareegta Google oo uu ku sameeyay shaqsiga lagu magacaabo William Hill.

Guulaha caanimada ee Red Devils ayaa ahaa kuwo mudo dheer soo jiray haatan waxaana ay u muuqdaan kuwo mudo kale sii fadhiyaya figta ugu sarreysa iyadoo warbixino hore loogu xaqiijiyay ahaanshaha kooxda guud ahaan caalamka ugu magaca weyn.

Sida uu baadhistan ku sheegay Mr Hill, Man United ayaa ah kooxda Premier League wakhtigan ugu caansan iyadoo boqoley ahaan 37.2% ka ah kooxaha Premier League waxaana ay 6.46 ka sarreeyaan kooxda ugu soo dhaw oo ah Liverpool.

Dhinaca kale isku darka kooxaha kale ee kala ah Chelsea, Arsenal, Manchester City iyo Tottenham ayaa ah 39.78 waana dhinac ay ku liitaan marka lala bar-bardhigo Man United iyo Liverpool.

Haddiiba aynu eegno sida loogu kala gacan sarreeyo dunida ayay Man United awooda ugu badan ku leedahay qaarada Asia gaar ahaan dalalka ugu dadka badan caalamka ee China iyo India halka ay sidoo kale ugu sarreeyaan koonfurta Africa, Maraykanka iyo Canada.

Dhinaceeda Liverpool ayaa ku cad cad dalalka kala ah Brazil, Australia, Russia iyo dhawr dal oo ah waqooyiga Africa.

Europa ayaa ah qaarad ay ku kala qaybsan yihiin Manchester iyo Liverpool, Red Devils ayaa ku horreeya badhtamaha Yurub halka Reds ay ku gacan sarreeyaan Scandanavian-ka.

Ciyaaryahanadda ayaa ah meelaha sababi kara in dalal lagu kala sarreeyo, tusaale ahaan Portugal oo kamid ah meelaha ay taageerada aqlabiyada sarre ah ku haysato Man United ayay sababi karaan Cristiano Ronaldo iyo Bruno Fernandes halka Liverpool ayay dalal laga tilmaamo karo Brazil usoo jiideen Alisson Becker, Fabinho, Firmino iyo waliba Philippe Coutinho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More