Xiddigii SHANAAD Ee Liverpool Oo Korona Fayras Ku Dhacay

Musiibada xanuunka Korona Fayraska ee Liverpool ayaa halkeeda kasii socota, waxaana uu xanuunku ka dhacay xiddigii shanaad ee safka  tababare Jurgen Klopp ka tirsan.

Naby Keita ayaa noqday ciyaartoygii shanaad ee Liverpool ah ee uu xanuunkani ku dhacay, waxaana warar laga helay waddanak Guinea ay shaaciyeen in laacibkan lagu arkay calaamadaha xanuunka, sidaas darteedna uu uga maqnaa kulankii waddankiisu uu 2-1 kaga adkaaday Cape Verde ee ka dhacay waddanka Portugal, taas oo uu fadhiyey kursiga kaydka.

Liverpool ayaan wali wax war ah kasoo saarin xaaladda warkan dhiillada leh ee ugu dambeeyey oo kusoo beegmaya waqti ay laacibiin kale oo kooxdeeda ahi ku jiraan karantiil.

Warku waxa uu intaa ku daray in Keita uu karantiil galay maalintii Jimcaha taas oo ka dhigan in aanu awoodi doonin inuu ciyaaro kulamada horyaalka Premier League ee toddobaadka soo socda ee kooxdiisa.

Xidhiidhka kubadda cagta Guina ayaa la sheegay in maalintii Arbacada ay baadhitaano ku sameeyeen Keita, isla markaana Jimcihii ay natiijadu soo baxday, halkaana lagu ogaaday in uu xanuunkan qabto, hase yeeshee mar kale oo lagu celiyey tijaabada caafimaadka si buuxda loogu ogaaday Axadda maanta in xanuunku hayo Naby Keita.

Kubbad-sameeyahan ayaa waxa uu ku biirayaa liiska ciyaartoyda Liverpool ee xanuunkani ku dhacay oo hore u ahaa afar, kuwaas oo ahaa Kostas Tsimikas, Thiago Alcantara, Sadio Mane iyo Xherdan Shaqiri.

Muddadii kulamada caalamiga ah lagu jiray, waxa xanuunkan laga helay tirooyin ciyaartoy Afrikaan ah oo ay ka mid yihiin Francois Kamano, Ibrahima Kone, Ibrahima Camara iyo Florentin Pogba.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More