Xiddigaha Waaweyn Ee Koox La’aanta Ah Ee Lala Saxeexan Karo

Isniintii ayaa uu xidhmay suuqa iibka ciyaartoydu, iyadoo ay kooxaha waaweyn si fiican uga adeegteen intii uu dhaqaaluhu u saamaxay, balse jirta fursad kale oo wali lagu heli karayo ciyaaryahanno wanaagsan oo waliba khibrad badan leh.

- Advertisement -

Premier League ayaa kharash gareeyey lacag dhan £1.24 bilyan waxaanay hadda heli karayaan xiddigo waayo arag ah oo ay safafkooda kusii xoojiyaan iyadoo aanay kaga bixin lacag mushaharkooda ka baxsan.

Labada ciyaartoy ee reer England ee Jack Wilshere iyo Danny Welbeck ayaa ka tegay West Ham United iyo Watford Salaasadii  markii heshiisyadooda la burburiyey, halka Daniel Sturridge uu garoomada ka maqnaan doono muddo bilo ah.

Haten Ben Arfa ayaa ka tegay Real Valldolid dhamaadkii xili ciyaareedkan, sidoo kalena Mario Gotze oo ahaa halyeygii koobkii adduunka ee 2014 u qaaday Jarmalka ayaa koox la’aan ahaa, inkasta oo Gotze uu maanta oo saacado ka hor laba sannadood oo heshiis ah u saxeexay PSV Eindhoven.

Xiddigahan sare ku xusan, waxay hormood u yihiin laacibiin magacyo waaweyn leh oo koox la’aan ah, isla markaana ay naadiyada kala duwan ee Yurub fursad u haystaan inay la saxeexdaan oo ay isku xoojiyaan.

Halkan kaga bogo ciyaaryahannada koox la’aanta ah ee koox la’aanta ah:

Jack Wilshere (England, wuxuu markii ugu dambaysay u ciyaarayey West Ham United)

Danny Welbeck (England, wuxuu markii ugu dambaysay u ciyaarayey Watford)

Daniel Sturridge (England, wuxuu markii ugu dambaysay u ciyaarayey Trabzonspor)

Nathaniel Clyne (England, wuxuu markii ugu dambaysay u ciyaarayeyLiverpool)

Jon Flanagan (England, wuxuu markii ugu dambaysay u ciyaarayey Rangers)

Mario Gotze (Germany, wuxuu markii ugu dambaysay u ciyaarayey Borussia Dortmund, waxaana uu mar dhoweyd ku biiray PSV)

Hatem Ben Arfa (France, wuxuu markii ugu dambaysay u ciyaarayey Real Valladolid)

Samir Nasri (France, wuxuu markii ugu dambaysay u ciyaarayey Anderlecht)

Gael Clichy (France, last played for Istanbul Basaksehir)

Yohan Cabaye (France, wuxuu markii ugu dambaysay u ciyaarayey Saint-Etienne)

Mario Mandzukic (Croatia, wuxuu markii ugu dambaysay u ciyaarayey Al-Duhail)

Alexandre Pato (Brazil, wuxuu markii ugu dambaysay u ciyaarayey Sau Paulo)

Ezequiel Garay (Argentina, lwuxuu markii ugu dambaysay u ciyaarayey Valencia)

Kwadwo Asamoah (Ghana, wuxuu markii ugu dambaysay u ciyaarayey Inter Milan)

Fabio Borini (Italy, wuxuu markii ugu dambaysay u ciyaarayey Hellas Verona)

Shinji Kagawa (Japan, wuxuu markii ugu dambaysay u ciyaarayey Real Zaragoza)

Seydou Doumbia (Ivory Coast, wuxuu markii ugu dambaysay u ciyaarayey Sion)

Giannelli Imbula (Congo DR, wuxuu markii ugu dambaysay u ciyaarayey Sochi)

Alen Halilovic (Croatia, wuxuu markii ugu dambaysay u ciyaarayey AC Milan)

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More