Xiddig Lama Filaan Ah Oo Kabtan U Noqon Doona Manchester
Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa u doortay Bruno Fernandes oo kaliya kooxda jooga tan iyo bishii Janaayo inuu kabtan u noqdo kulankooda ugu horeeya xilli ciyaareedka cusub ee Champions League.
Manchester United ayaa u safartay caasimada Faransiiska ee Paris iyagoo garoonka Parc des Princes habeen danbe oo Talaado ah kula ciyaaraya kooxdii finalka gaartay xilli ciyaareedkii hore ee Paris Saint-Germain.
Madaama kulanka habeen danbe uu seegayo kabtanka kooxda Harry Maguire iyo si la mid ah saxiixa cusub Edinson Cavani, tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa ku aaminaya hogaaminta kooxda Bruno Fernandes oo la sheegay inuu carro badan yahay.
Ka hor inta aysan kooxda Man United u ambabixin Paris, Bruno Fernandes ayaa garoonka tababarka dhexdiisa wuxuu ku qeyliyay saxiixa cusub ee kooxda Alex Telles.
Xilli ay ciyaartoyda ciyaarayeen dhex ku jir ayuu Fernandes ka carooday baas uu ka soo gaabiyay Telles taasoo keentay inuu carro kala dul dhaco laakiin waxaa durbadiiba raaligelin ka bixiyay Alex Telles.
Kubadsameeyaha reer Portugal ayaa sidoo kale la sheegay inuu canaantay xiddigaha Man United waqtigii nasashada ee kulankii ay guuldarada 6-1 kala kulmeen kooxda Tottenham.
PSG iyo Manchester United ayaa kuwada jira Group H iyadoo group-kaan uu ka mid yahay group-yada ugu adag waxaa sidoo kale ku jirta kooxda adag ee Jarmalka ee RB Leipzig oo wacdarro ka dhigay Champions League xilli ciyaareedkii la soo dhaafay iyo kooxda Turkiga ee Istanbul Basaksehir.