Skip to content
Tuesday, October 20, 2026 8 Jumada al-Ula 1448 AH Fajr 04:31
Muqdisho 24°C
Breaking: Hiiraan region governor removed days after criticizing livestock market tax distribution
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

“Waxaan Baas Ahayn Ma Garanayaan” – Van Der Vaart Oo Tilmaamay Xulka

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio
"Waxaan Baas Ahayn Ma Garanayaan" - Van Der Vaart Oo Tilmaamay Xulka

Xiddigii hore ee khadka dhexe ee kooxaha Real Madrid, Tottenham iyo Ajax ahna halyeeyga kubadda cagta Netherlands ee Rafael Var Der Vaart ayaa dhulka la galay xulka Spain oo ilaa haatan aan wax muuqda ka samayn tartanka Euro 2020.

Van Der Vaart ayaa ka hadlay qaabka xulka Spain ilaa haatan uga ciyaaray tartankaas kaddib laba kulan oo ay dalalka Sweden iyo Poland labadaba bar-bardhac lasoo galeen.

Van Der Vaart ayaa aaminsan in Spain ay si weyn kubadda u wareejiso oo ay baasas badan u ciyaarto balse aysan haysan hal ciyaaryahan oo baaska kama dambaysta ah ee wax go’aamiya garanaya.

“Spain waa kuwo liita, waa kuwo liita, waxaan rajaynayaa inaanu kahor tagno, dhammaan waxa ay sameeyaan (Spain) waa baas ka imanaya hal dhinac oo dhinac kale tagaya”

“Iyagu xataa ma haystaan ciyaaryahan garanaya sida loo dhiibo baaska kama dambaysta ah” ayuu hadalkiisa kusoo xidhay Rafael oo la hadlayay NOS.

Spain ayaa kahor tagi kara Netherlands kaddib markii xulka Dutch-ku uu ku dhammaystay booska ugu sarreeya Group C, mid kamida dalalka ay ku aadi karaan ayaa ah dalka kusoo baxa booska 3-aad ee Group E oo ah halka xulka Spain ka tirsan yahay.

How do you rate this story?

0 votes