Skip to content
Monday, October 26, 2026 14 Jumada al-Ula 1448 AH Fajr 04:30
Muqdisho 27°C
Breaking: Flavio Bolsonaro Refuses to Recognize Lula’s Brazil Election Victory
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports Af-Soomaali

Waa Kuma Xiddiga Aan Muhiimka U Ahayn Man United Ee Ay Carlo Ancelotti

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 1-minute read
Waa Kuma Xiddiga Aan Muhiimka U Ahayn Man United Ee Ay Carlo Ancelotti

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayay wararku sheegayaan inuu xiisaynayo daafaca midig ee Man United ee Diogo Dalot.

Dalot ayaa kusoo laabtay Manchester United kaddib heshiis amaah ah oo uu xilli ciyaareed kusoo joogay AC Milan, Ancelotti ayaa haatan doonaya in 22 sano jirkaas loo keeno kooxda.

Sida uu sheegayo wargeyska AS, Ancelotti ayaa saxeexa Dalot soo jeediyay markii uu joogay Everton balse haatan ka doonaya Santiago Bernabeu.

Walow ay Real Madrid haatan booska daafaca midig u haysato Dani Carvajal iyo Alvaro Odriozola haddana waxa ay wali sii wadi karaan doonista Diogo.

Dalot ayaa kamid ahaa liiskii xiddigaha xulka Portugal ee uga qayb qaatay Euro 2020 isaga oo bedel kusoo galay kulankii France kahor inta uusan kusoo bilaaban ciyaartii Belgium.

Dalot oo kasoo baxay kuliyada da’yarta ee FC Porto ayaa Manchester United kusoo biiray sanadkii 2018 balse ku fashilmay inuu booskiisa xorraysto.

Guud ahaan Dalot ayaa Red Devils usoo ciyaaray 35 kulan balse ka dambeeya daafaca midig ee dookha koowaad ee Aaron Wan-Bissaka.

Dalot oo sidoo kale awooda inuu ka ciyaaro booska daafaca bidix ayuu heshiiskiisa Man United yahay mid ay laba sano oo kale uga hadheen.

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes