TOP FIVE: Akhriso Liiska Shanta Kooxood Ee Lacagta Ugu Badan Galiyay
Kooxaha waaweyn ee Yurub ayaa dareemay saamaynta uu ku yeeshay dhaqaale ahaan xanuunka Korona Fayras, kaliya kooxaha ay taageerada siiyaan mulkiilayaashooda qaniga ah ayaa u muuqda kuwo ka duwan kuwa kale.
- Advertisement -
In kooxaha qaar ay ka jeeb weynaadaan kuwa kale ayaa sixir barar ka dhalisay suuqa, in ciyaaryahan lagu bixiyo wax ku dhaw 100 Milyan oo euro ayaa wax ay adagtahay in la maqlo ahayd tobban sano kahor halka uu suuqa maanta wax caadi ah ka yahay.
Inta aan meelo kaleba la qiimayn kaliya gudaha suuqan ayaynu aragnay laba saxeex oo ka badan 100 Milyan oo euro waxayna kala yihiin Jack Grealish oo 117.5 Milyan euro ugu biiray Man City iyo Romelu Lukaku oo 115 Milyan oo euro ugu biiray Chelsea.
Haddaba, waxaanu halkan idinkula wadaagaynaa shanta kooxood ee lacagta ugu badan geliyay suuqa kala iibsiga tan iyo sanadkii 2003.
5: Manchester United – 1.82 Bilyan euro
Saxeexyada ay sameeyeen ee qaaliga ah ayaa laga xusi karaa: Paul Pogba (105 Milyan oo euro), Romelu Lukaku (84), Harry Maguire (87), Angel Di Maria (75), Jadon Sancho (85);.
4: Real Madrid – 1.91 Bilyan euro
Saxeexyada ay sameeyeen ee qaaliga ah ayaa laga xusi karaa: Eden Hazard (115 Milyan oo euro), Gareth Bale (101), Cristiano Ronaldo (94), Zidane (77.5), James Rodriguez (75), Kaka (67)
3) Barcelona – 1.98 Bilyan euro
Saxeexyada ay sameeyeen ee qaaliga ah ayaa laga xusi karaa: Philippe Coutinho (160 Milyan oo euro), Ousmane Dembele (135), Antoine Griezmann (120), Neymar (88), Frankie De Jong (86), Luis Suarez (81), Ibrahimovic (69.5)
2) Manchester City – 2.24 Bilyan euro
Saxeexyada ay sameeyeen ee qaaliga ah ayaa laga xusi karaa: Jack Grealish (117 Milyan euro), Kevin De Bruyne (76), Ruben Dias (68), Riyad Mahrez (67), Joao Cancelo (65), Aymeric Laporte (63), Raheem Sterling (63)
1) Chelsea – 2.34 Bilyan euro
Saxeexyada ay sameeyeen ee qaaliga ah ayaa laga xusi karaa: Romelu Lukaku (115 Milyan euro), Kai Havertz (80), Kepa Arrizabalaga (80), Alvaro Morata (66), Christian Pulisic (64), Fernando Torres (58), Jorginho (57).