TOBBANKA Xiddig Ee Ugu Koobabka Badan Yurub, Xiddiga Booska 1-aad La

Cristiano Ronaldo ayaa koob kale oo uusan hore ugu guuleysan xalay ku daray liiska koobabka tirada badan ee uu soo hantay, Ronaldo iyo asxaabtiisa Juventus ayaa Closing-ka Coppa Italia ku garaacay Atalanta oo ay 2-1 uga adkaadeen.

Laba gool oo ay labadii qaybood kala dhaliyeen Dejan Kulusevski iyo Federico Chiesa ayaa Juve ku guuleeyay koob ay hanato xilli ciyaareed noqon kara midkii ugu dambeeyay ee Ronaldo.

Wararka ayaa sheegaya in 36 sano jirkaasi uu doonayo inuu iskaga tago Juventus, waxa adkaan doonta inuu lasii joogo haddii ay awoodi waayaan inay usoo baxaan Champions League xilli ciyaareedka dambe.

Kooxda lagu naanayso ayaa u baahan inaysan guuldarro kala soo kulmin Bologna toddobaadkan sidoo kalena ku ducaysato in natiijooyinka kulamada kale ay caawiyaan si ay CL uga ciyaarto xilli ciyaareedka dambe.

Si kastaba, koobkaas ayaa ahaa midkii 34-aad ee uu ku guuleystay Ronaldo waayihiisa ciyaareed ee heerka sarre ah isaga oo xalay dhaafay ciyaaryahano uu kamid yahay halyeeyga Barcelona ee Xavi Hernandez oo 33 koob leh.

Xiddiga ugu koobabka dunida ayaa ah daafaca ree Brazil ee Dani Alves oo hadda qayb ka ah kooxda Sao Paolo waxaana uu shan koob dheer yahay Lionel Messi iyo Maxwell oo ugu soo dhaw booska labaadna fadhiya.

Liiska Oo Dhammaystiran

10. Xavi – 33 Koob

=8. Vitor Baia – 34 Koob

=8. Cristiano Ronaldo – 34 Koob

=6. Gerard Pique – 35 Koob

=6. Sir Kenny Dalglish – 35 Koob

5. Ryan Giggs – 36 Koob

=2. Maxwell – 37 Koob

=2. Andres Iniesta – 37 Koob

=2. Lionel Messi – 37 Koob

1. Dani Alves – 42 Koob

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More