Talyaaniga Oo Iska Xaadiriyey Finalka Euro 2020, Spain Oo Ay Ka
Xulka qaranka Talyaaniga ayaa usoo baxay finalka tartanka Euro 2020 iyagoo rikoodheyaal 4-2 ah ku garaacay Spain kulan adkaa oo lagu daray waqti dheeraad ah.
Talyaaniga ayaa ciyaarta gool la hormaray waxaana daqiiqaddii 60aad u dhaliyey Chiesa, hase yeeshee Alvaro Morata oo beddel kusoo galay ayaa goolka barbarraha u keenay Spain, waxaana sidaa kusoo dhamaaday 90kii daqiiqadood ee ciyaarta iyo 30 daqiiqadood oo dheeraad ahaa oo lagu daray.
Rikoodheyaal loo dhigay labada xul ayaa waxa laadkii ugu horreeyey qaatay Talyaaniga, waxaana laga qabtay Locatelli, laakiin Dani Olmo oo ku xigay ayaa isaguna dallacay kubadda oo birta dul-mariyey. Afartii ciyaartoy ee Talyaaniga ee xigay ayaa dhamaantood dhaliyey, halka Spain ay Gerard Moreno iyo Thiago Alcantara u dhaliyeen balse laga qabtay Alvaro Morata.
Talyaaniga ayaa iska xaadiriyey finalka iyagoo ka aargoostay Spain oo finalkii ugu dambeeyey kaga qaaday koobka. Talyaaniga ayaa finalka la ciyaari doona England iyo Denmark midkooda soo gudba.
Shaxihii labada xul
SPAIN STARTING XI (4-3-3): Unai Simon; Cesar Azpilicueta, Eric Garcia, Aymeric Laporte, Jordi Alba; Koke, Sergio Busquets, Pedri; Ferran Torres, Mikel Oyarzabal, Dani Olmo.
Kaydka: Diego Llorente, Rodrigo, Pau Torres, Fabian Ruiz, Marcos Llorente, Thiago Alcantara, Gerard Moreno, Robert Sanchez, Adam Traore, Alvaro Morata, Jose Gaya, David de Gea.
ITALY STARTING XI (4-3-3): Gianluigi Donnarumma; Giovanni Di Lorenzo, Leonardo Bonucci, Giorgio Chiellini, Emerson; Nicolo Barella, Jorginho, Marco Verratti; Federico Chiesa, Ciro Immobile, Lorenzo Insigne.
Kaydka: Bryan Cristante, Federico Bernardeschi, Manuel Locatelli, Rafael Toloi, Domenico Berardi, Francesco Acerbi, Alessandro Florenzi, Alessandro Bastoni, Alex Meret, Salvatore Sirigu, Matteo Pessina, Andrea Belotti.
Xulka qaranka Talyaaniga daqiiqaddii afraad ka naxsaday Spain, waxaana kubbad degdeg ahayd oo ay isku soo dhiibeen Emerson iyo Barella ay ka jareen birta, waxaase lagu qaaday Offside.
Spain ayaa si ay iskaga joojiso weerarka Talyaaniga, waxay gacanta ku dhigtay khadka dhexe, iyagoo kubbad isku-dhiib cajiib ah iyo difaacooda oo feejigan ku ciyaarayay.
Oyarzabal iyo Olmo ayaa xerada ganaaxa iskugu dhiibay kubbad heersare ahayd, waxaana isku dhigay Bonucci, hase yeeshee Olmo ayaa mar kale helay kubadda oo ku toogtay goolka oo masaafo yar u jiray, waxaase isku duubay Donnaruma.
Pedi ayaa kubbad heersare ahayd waxa uu u difaacyahannada Talyaaniga uga dhex-saaray Olmo oo kaliya uu Donnarumma ka xigay dhinaca goolka, hase yeeshee kubadda ayaa cidhibta kaga dhacday oo dib uga noqotay halkii uu filayay in ay hortiisa timaaddo. Fursad weyn ayaa ka luntay.
Spain oo awood badnayd qaybta hore ayaa sidoo kale heshay fursad kale oo dahabi ahayd, waxaana khadka dhexe kubadda looga soo dhiibay Ferran Torres oo halkii uu ciyaartoyda asxaabtiisa la ciyaari lahaa ku toogtay goolka, balse wuxuu ku toogtay goolka iyadoo kubadduna dhinaca bidix uga leexatay.
Emerson Palmieri ayaa qaybta hore kusoo xidhay kubbad halis ahayd oo uu ku dhowaaday in uu dhaliyo, waxaase ka joojiyey Cesar Azpilicueta oo uu dhinaciisa ka yimid.
Qaybtii labaad ayaa ku bilaabatay dardar ay Talyaanigu lasoo galeen, waxaanay soo qaadeen weerarro is-daba joog ahaa oo ay ku khalkhaliyeen difaaca Spain.
GOOOOAAAALLLL!!! Italy 1-0 Spain!!! Xulka qaranka Talyaaniga ayaa hoggaanka u qabtay ciyaarta daqiiqaddii 60aad, waxaana gool aad u qurux badan u dhaliyey Chiesa oo kubbad uu goolhaye Donnarumma si degdeg ah usoo dhiibay ay u tagtay Immobile oo isaguna u dhiibay Chiessa oo bannaanka ka toogtay goolka.
Berardi oo beddel kusoo galay ayaa goolkiisa ka saaray kubbad halisteedu badnayd, ka hor intii aanu Chiesa mar kale tijaabin goolhaye Simon oo lugaha isku qabtay, dibna iskaga celiyey kubadda.
GOOOAAAALLLL!!!!! Italy 1-1 Spain!!! Alvaro Morata ayaa barbarreeyey ciyaarta. Weeraryahanka reer Spain oo beddel kusoo galay ayaa kubbad uu dhexda ka qaatay waxa uu u dhiibtay Daniel Olmo oo isaguna usoo celiyey, waxaanu la dhex-oday difaaca, isagoo kubadda dhinac ka dhigay Donnarumma. Alla muxuu gool ahaa.
Spain ayaa ku doodday rikoodhe markii uu Chiellini oo gacantiisu dhulka taallo ay kubaddu ku dhacday, balse ma ahayn wax loo qaadi karo maadaama aanu si badheedh ah ugu qaban.
90kii daqiiqadood ee ciyaarta ayaa kusoo dhamaaday barbarro 1-1 ah, waxaana lagu daray 30 daqiiqadood oo dheeraad ah si ay u kala baxaan.
HALIS!!! Spain halis weyn geliyey geliyey goolka Talyaaniga, waxaana kubbad qurux badan oo uu dhinaca ka keenay Pedri ay lugta u gashay Morata oo xerada ganaaxa dhex-taagan, waxaanu ku toogtay Donnarumma oo iska soo celiyey. Llorente ayaa ku celiyey, waxaanay kubaddu dhinac ka martay birta iyadoo aadyar socota.
Talyaaniga ayaa dhaliyey gool offside ahaa oo uu shabaqa dhex dhigay Andrea Belotti balse calanka ayaa taagnaa ka hor intii aanu kubaddaba laadin.
RIKOODHEYAAL
Manuel Locatelli – wuu laga qabtay
Olmo – dusha ayuu mariyey
Belotti – Wuu dhaliyey
Gerard Moreno – Wuu dhaliyey
Bonucci – wuu dhaliyey
Thiago Alcantara – wuu dhaliyey
Bernardeschi – wuu dhaliyey
Alvaro Morata – waa laga qabtay
Jorginho – wuu dhaliyey
Natiijada rikoodheyaasha 4-2