Saxeexyadii La Dhamaystiray, Kuwa Qarka Saaran Iyo Wararkii U

Suuqa iibka ciyaartoyda ayaa maraya meel xaasaasi ah, waxaana Khamiistii maanta la dhamaystiray saxeexyo halka kuwo kalena ay kaabiga saaran yihiin.

Wararkii ugu dambeeyey ee fiidkii caawa illaa gellinkii dambe ay qoreen warbaahinta adduunka ee ciyaaraha oo aanu isha soo marinay, ayaanu idiinka soo xulnay qodobadii ugu waaweynaa.

HESHIIS DHAN: Weeraryahanka reer France ee Olivier Giroud ayaa gaadhay magaalada Milan. Muuqaal ayaa laga soo duubay isagoo ku xusan xarunta AC Milan oo uu tijaabada caafimaadka ku marayo, ka hor inta aanu qalinka ku duugin heshiis uu kaga mid noqonayo kooxdaas.

Olivier Giroud has arrived in Milan, where he will undergo his medical at AC Milan tomorrow morning.

(Source: @AntoVitiello)pic.twitter.com/ylKzE5YvUw

— Transfer News Live (@DeadlineDayLive) July 15, 2021

RASMI: Napoli ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday heshiis muddo kordhin ah oo uu saxeexay laacibkeeda afka hore ee Giovanni Di Lorenzo.

RASMI: Wolves ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday heshiis ay la gaadhay goolhaye Jose Sa oo ay kala soo wareegtay Olympiakos, kaas oo qalinka ku duugay heshiis shan sannadood ah. Sa ayaa beddelaya Rui Patricio oo shalay ka degay AS Roma.

RASMI: Difaacii Arsenal ee William Saliba ayaa ka degay kooxda Olympique Marseille oo uu heshiis sannad amaah ah ugu ciyaari doono illaa June 2022. Heshiiska amaahda ah kuma jiro qodob Marseille awood u siinaya inay si rasmi ah u iibsan karto.

RASMI: Leicester City ayaa heshiis xor ah la gaadhay Ryan Bertrand oo qalinka ku duugay heshiis laba sannadood ah.

Heshiis dhan: Manchester United ayaa heshiis shaqsi ah la gaadhay difaaca Real Madrid ee Raphael Varane, kaas oo ay hore Madrid ugu ogolaatay inay la xaajooto. Waxa hadda hadhsan waxyaabo yaryar oo ay dhinacyadu isla dhamaystirayaan, mana jirto caqabad weyn oo kala fogeyn karta.

Heshiis dhan: AC Milan ayaa heshiis laba sannadood oo amaah ah kula wareegtay weeraryahanka Real Madrid ee Brahim Diaz oo xilli ciyaareedkii horena u ciyaarayay. Laacibkan ayay Madrid u ogolaatay Milan inay haysato laba xilli ciyaareed laakiin ay siiso fursad uu isku muujiyo.

Arsenal ayaa doonaysa weeraryahanka Chelsea ee Tammy Abraham, kaas oo ay kooxdiisuna u qorshaysanayso inuu qayb ka noqdo heshiiska ay ku doonayso Erling Haaland. (Telegraph)

Liverpool waxay diyaarinaysaa dalab £60 milyan oo Gini ah oo ay ka gudbinayso xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Talyaaniga iyo Inter Milan ee Nicola Barella. (La Repubblica}

Wakiilka Romelu Lukaku ayaa shaaciyey in aanu weeraryahankani meelna tegi doonin xagaagan oo uu sii joogayo Inter Milan. Waxa uu meesha ka saaray warar ku xidhiidhinaya Chelsea & Manchester City.

Khadka dhexe ee Arsenal ee Granit Xhaka ayaa usii dhowaanaya inuu ku biiro AS Roma, iyadoo labada kooxoodna ay ku jiraan wada-hadallo meel fiican maraya. Roma ayaa la rumaysan yahay inay diyaar la tahay 18 milyan oo Euro.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More