Roma Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday Heshiiska Ay La Gaadhay
Kooxda kubadda cagta Roma ayaa si rasmi ah u dhamaystirtay saxeexa weeraryahanka Real Madrid ee Borja Mayoral oo ay heshiis laba sannadood oo amaah ah ku qaateen iyadoo sannadkiiba bixin doonta lacag dhan 2 milyan oo Euro.
- Advertisement -
Real Madrid ayaa weeraryahankeedan heshiis cusub ka saxeexdan ka hor intii aanay amaahda ku dirin, waxaana qandaraaskiisii hore oo ku ekaa June 2021 uu ku daray laba sannadood oo kale, taas oo ka dhigan inuu Los Blancos ciyaartoygeeda kasii mid ahaan doono illaa June 2023 oo laba ka mid ah uu Roma amaah ugu ciyaari doono.
Kooxda horyaalka Serie A ayaa haysata qodob ku jira heshiiska oo u ogolaanaya in xili ciyaareedka ugu horreeya gudihiisa ay heshiiska amaahda ah ee Moyoral ugu beddeli karo mid rasmi ah iyagoo bixinaya 15 milyan oo Euro, taas oo wadarta laga laga doonayo ka dhigi doonta 20 milyan oo Euro.
Laacibkan ayaa markii uu qalinka ku duugay heshiiska Roma waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu ka mid noqdo Roma, maalmihii ugu dambeeyeyna uu si weyn uga shaqeeyey sidii uu tallaabadan usoo qaadi lahaa.
Isaga oo la hadlayay website-ka Roma, waxa uu yidhi: “Waxa aan aad ugu faraxsanahay in ugu dambayntii aan ku biiray, waxay ahaayeen maalmo yar oo mashquul ah laakiin waxa ugu weyn ayaa ah in wax waliba sidii ugu wanaagsanayd u shaqeeyeen.
“Sharaf ayay ii tahay inaan metelo koox taariikhi ah sida Roma. Waxa aan uga mahad-celinayaa kooxda niyad-samaanta ay ii muujiyee; aniguna wax walba waan u samayn doonaa, waxaanan rajaynayaa inaan jamaahiirtayada ka farxin doono.”
Heshiiska dhexmaray labada kooxood ee Real Madrid iyo Roma waxa fududeeyey Davide Lippi oo ah wiilka uu dhalay tababarihii hore ee Talyaaniga, Macello Lippi.
Mayoral ayaa kasoo baxay kulliyadda da’yarta Real Madrid oo isaga oo carruur ah uu sannadkii 2007 kusoo biiray, waxaanu ka mid ahaa da’yarta Castilla ee uu tababaraha u ahaa Zinedine Zidane ka hor intii aanu noqonin macallinka kooxda waaweynka. Kulankiisii ugu horreeyey ayuu Real Madrid u saftay October 31, 2015 ciyaar ay ka hor tageen Las Palmas.
Labadii sannadood ee ugu dambeeyey waxa uu amaah ugu maqnaa Levante, halka uu xili ciyaareedkii 2016/17 uu u ciyaaray Wolfsburg.