RIKOODH: Real Madrid Oo Diiwaangelisay Rikoodh Cajiib Ah Kaddib Iibkii

Kaddib markii uu Rahael Varane 50 milyan oo Euro ugu wareegay Manchester United, waxa uu baal dahab ah ka galay taariikhda Real Madrid isagoo lagu daray liiska xiddigihii ugu qaalisanaa ee ay abid iibiso kooxda reer Spain. Lacagta laacibkan ay ku iibisay Real Madrid, waxay ka mid noqotay kuwii ugu badnaa ee ay kooxdani ka heshay ciyaartooyo ay iibisay.

Xilligan oo lagu jiro Fayraska Korona oo ay dhaqaale xumo jirto iyo in ciyaartoy 11 bilood ka hadhsan yahay waqtiga uu dhamaanayo qandaraaskiisu oo waliba diiday heshiis cusub, ay ku iibiso lacag gaadhaysa 50 milyan oo Euro, waxay Real Madrid u aragtaa guul ay ka gaadhay dhinaca suuqa.

Varane ayaa Real Madrid ku banneeyey boos weyn maalmo kaddib markii uu sidaas sameeyey kabtankii kooxda ee Sergio Ramos oo midkoodna 16 sannadood u ciyaarayay kooxda, midka kalena toban sannadood, waxaanay xaqiiqadu tahay in ay adag tahay in beddelkooda si dhayal ah lagu helo.

Sidaas oo ay tahay, Real Madrid uma aragto in bixitaanka Varane uu khasaare ku yahay, waxaana lagu daray liiska xiddigo rikoodh u dhigay kooxda.

28 jirkan ayaa noqday ciyaartoygii afraad ee ugu qaalisanaa ee abid ay iibiso Real Madrid. Cristiano Ronaldo oo sannadkii 2018 ay Juventus ku iibsatay 105 milyan oo Euro ayaa ah ciyaartoygii ugu qaalisanaa abid ee ay iibiso Madrid, waxaana labaad ku jira Alvaro Morata oo 80 milyan oo Euro ay Chelsea ku iibsatay 2017kii, halka Angel di Maria oo ay Manchester United sannadkii 2014kii ku iibsatay 75 milyan oo Euro uu yahay xiddiga saddexaad ee ugu qaalisan. Varane ayaa soo galay afraad oo Manchester United ay ku iibsatay 50 milyan oo Euro.

Difaacan reer France ayaa isagoo 18 jir ah ay toban sannadood ka hor Real Madrid ku soo iibsatay 10 milyan oo Euro, waxaanay lacagta lagu iibsaday shan jeer ka badan tahay intii uu iyaga ku joogay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More