RASMI: Tartanka Qaramada Yurub Oo Caawa Bilaabmaya Iyo Xogo Ku Saabsan

Tartanka qaramada Yurub ee EURO 2020 oo baaqday sannadkii hore ayaa caawa si rasmi ah u bilaabmaya waxaana lagu furayaa Talyaaniga oo ku jira dalalka magaalooyinkooda lagu ciyaarayo iyo Turkey oo iska soo xaadiriyey magaalada Rome ee ay ciyaartani ka dhacayso.

Tartankan ayaa ka duwan kuwii hore ee lagu yaqaanay in hal waddan ama laba dal ay wada-jir u martigeliyaan, waxaana lagu ciyaarayaa 11 magaalo oo 11 waddan oo kala duwan ku yaalla.

Magaalada Rome ayaa nasiib u yeelatay in lagu furo ciyaarahan, laakiin waxa iyaduna nasiibkeedu caawiyey London oo lagu ciyaari doono kulamada semi-finalka iyo Finalka, gaar ahaan garoonka Wembley.

Euro-da ayaa socon doonta muddo bil ah oo ka bilaabmaysa fiidka hore ee caawa waxaana lasoo afjarayaa July 11 oo waddanka Koobka ku guuleystaana uu ku damaashaadi doono Wembley.

Hordhaca: Italy vs Turkey

Xulka qaranka Talyaaniga ayaa garoonka Stadio Olimpico ku martigelinaya Turkey oo horumar badan oo ciyaareed sameeyey sannadihgii ugu dambeeyey.

Talyaaniga oo lagu naanayso Azzurri ayaa raadinaya inay guul ku bilowdaan tartankan iyagoo ka faa’iidaysanaya dalkooda lagu ciyaarayo, amaba ugu yaraan ay ka badbaadaan guul-darro kulanka furitaanka markii shanaad taariikhdooda.

Xulka Qaranka Italy oo afar jeer ku guuleystay Koobka adduunka ayaa haysta dhallinyaro khibrad badan, laakiin tartanka qaramada Yurub ee caawa bilaabmaya ayay ugu dambaysay inay nus-qarni ka hor inay ku guuleystaan, waana waddanka xasuusaha murugada leh la kulmayay sannadihii ugu dambeeyey.

Sannadkii 1968kii ayaa ugu dambaysay in Talyaanigu uu ku guuleysto tartankan, waxayse doorkan leeyihiin awood badan iyagoo la la’aa cid dhinacooda dhulka dhigta tan iyo 2018 markii Roberto Mancini loo magacaabay tababaraha Talyaaniga.

Dhinaca kale, xulka qaranka Turkey ee uu tababaraha u yahay Senol Gunes ayaa horumar badan samaynayay tan iyo 2019, waxaanay khubarada ciyaaruhu tilmaamayaan inay ka muuqato kalsoonidii koobkii adduunka 2002 oo ay kaalinta saddexaad galeen.

Ciyaaryahanadda xulka Turkey oo da’doodu aad u yartahay, marka la isku cel-celiyana ay noqonayaan 25 jirro ayaa caawa qiimaynta halka ay ku dhamaysan karaan la samayn doonaa marka ay Talyaaniga iska hor yimaaddaan, waxaanay taageereyaashoodu filayaan inay guul ku bilowdaan.

Turkey ayaa haysta dhawr ciyaartoy oo ka dheela horyaalka Talyaaniga ee Serie A sida Merih Demiral, Kaan Ayhan iyo Hakan Calhanoglu, kuwaas oo khibrad u leh qaab ciyaareedka Talyaaniga.

Waqtiga ciyaarta: 10pm – Saacadda Geeska Afrika

Shaxaha macquulka ah ee labada waddan:

Turkey: Cakir; Celik, Demiral, Soyuncu, Meras; Yokuslu; Calhanoglu, Tufan, Under; Yazici; Yilmaz

Italy: Donnarumma; Florenzi, Bonucci, Chiellini, Spinazzola; Barella, Jorginho, Locatelli; Berardi, Immobile, Insigne

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More