RASMI: Liverpool Oo Ku Dhawaaqday Heshiiska Xiddig Mustaqbal Weyn Leh

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa shaacisay heshiis ay ka saxeexday mid ka mid ah xiddigaheeda mustaqbalka weyn leh oo cirmigiisa u hibeeyey Anfield kaas oo qalinka ku duugay qandaraas ku haynaya Reds.

Goolhayaha da’da yar ee aadka loo qiimeeyo ee Caoimhim Kelleher ayaa saxeexay heshiis cusub oo waqti dheer ah iyo ballan-qaad ah inuu ka mid ahaanayo kooxda koowaad oo uu door muhiim ah ku yeelanayo inkasta oo ay joogaan Alisson oo ah goolhayaha koowaad iyo Adrian oo ay booska labaad ku dagaallami doonaan.

Caoimhim Kelleher oo u dhashay waddanka Ireland ayaa wacdaro ka dhigay horyaalka Premier League iyo Champions League oo xilli ciyaareedkii hore uu ciyaaray waqtiyo ay dhaawac ku maqnaayeen Alisson Becker iyo Adrian.

Tababare Jurgen Klopp ayaa u arka Caoimhim Kelleher inuu yahay goolhayaha mustaqbalka ee beddeli doona Alisson.

Kaddib markii uu heshiiska saxeexay, Caoimhim Kelleher ayaa website-ka kooxdiisa la hadlay, waxaanu yidhi: “Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan laynka kasoo gudbay oo aan ugu dambayntiina aan qabtay; bilihii ugu dambeeyey ba waxa socday wada-hadallo, aad ayaanan ugu faraxsanahay inaan saxeexay.”

Caoimhim Kelleher waxa uu tibaaxay inuu yoolkiisu yahay sidii uu xirfaddiisa u horumarin lahaa, waxaanu yidhi: “Kaliya waxa aan doonayaa in aan sii wado horumarkayga kooxdan.”

Inkasta oo uu Caoimhim Kelleher saxeexay heshiis waqti dheer ah, haddana waxa la filayaa in uu xilli ciyaareedka dhowaanta bilaabmaya amaah kaga maqnaan doono kooxda si uu u helo koox uu boos joogto ah ka heli karo, taasna waxa kallifaya Adrian oo 12 bilood ku kordhiyay qandaraaskiisa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More